Qaar ka mid ah Ganacsatada Gobolka Jubada hoose ayaa wal wal iyo walaac ka qaba dhaq dhaqaqyadooda ganacsi ee ay ka wadaan gobolka,

Ganacsatada ayaa sheegaya in ay ka cabsi qabaan hoos u dhac ku yimaada waxyaabaha ay ka ganacsanayaan, ka dib markii ay xirmeen wadooyinka qaar ee soo gala gobolka Jubada hoose iyo weliba xadka labada dal waa Soomaaliya iyo Kenya.

Xirir ganacsi oo dhinacyo badan leh ayaa ay wadaagaan gobolada waqooyi bari kenya iyo Ganacsatada jubada hoose, waxaana hadii ay dhacdo in uu ganacsigaasi xirmo khasaare xoogleh soo foodsaaraya ganacsatada gobolka Jubada hoose oo iyaga halkaasi badi wax geeya

Iminka Gaadiid ka badan ilaa 50 oo shixnadaha ganacsi u qaadi jiray gobolada xadka ayaa xaniban, ka dib markii dowlada Kenya ay heegtay in ay xirtay xadka labada dal.

Ganacsatada oo la soo xiriirtay xafiiska SBC ee Gedo ayaa sheegay in ay siweyn uga xun yihiin xirnaanshaha xadka taas oo ay ugu wacantahay dagaalo halkaasi ka jira.

Sikastaba ha ahaatee ma ahan markii ugu horeysay oo ay ganacsatada caqabado ceynkan oo kale ah soo food saaraan iyadoona ay badanaa arimahan ku yimaadaan xanibaado kaga yimaada dhanka xirnaanshaha xaduuda.

C/Khadar Maxamed Siraas
SBC International Gedo