Suuqa wayn ee magaalada Boosaaso ayaa waxaa maantay laga bilaabay in dib loo dhiso dhismayaashii horay u gubtay iyadoo dhanka kalena uu sucdo dhaqdhaqaaqa ganacsi ee siiqa iyadoo meelaha dadku ay ku ganacsanayaan ay ka mid ahayd irida hore ee Kawaanka hilibka iyo goobtii dahablaha iyadoo dhamaan dadka halkaa ku ganacsanaya ay yihiin dadkii ay hantidoodii ku gubatay suuqa wayn qaarkood.

Waxaana mar ay warbaahinta SBC International ay booqatay suuqa kula kulantayb qaar kamid ah dadka ay hantidoodi ay ku gubatay  suuqa wayn waxaana dadkaa ka mid ahaa  cabdi siciid mayoow oo ah dadka ka ganacsanayay suuqa isagoo noosheegay in ay hada  bilaabeen ganacsi yar yar oo uu sheegay in ay uu yahay mid ay dib ugu bilaabayaan ganacsigoodi.

Waxaana dhamaan baqaaradii horay u gubtay ka socda dhismayaal dib loogu cusbooneysiinayo bakhaaradaas, waxaana sidoo kale suuqa wayn laga dareemayaa in dhamaan ganacsigiisi uu dib u soo bilaamayo , iyadoo aan wali maamulka gobalka aysan sheegin  halka laga dhigi doono suuqa iyo in halkiisii laga dhigi doono.

DAAWO SAWIRADA






Axmed Maxamud Axmed
SBC International Boosaaso