Ganacsatada ka ganacsata Suuqa qeyn ee magaalada Boosaaso qeybahooda kala duwan ayaa maanta ku dhaqaqay in ay joojiyaan wax ku iibsashada lacagta Shilin Soomaaliga iyagoona u sheegay Macaamiishooda in ay wax kaga gadayaan Lacagta Qalaad ee Doolarka.

Ganacsatada ayaa sheegay in ay sidaasi u sameynayaan ka dib markii ay amin daro kaga timid dhanka sarifka lacagta Doolarka , islamarkaana aysan isku haleyn karin qaababka lagu sarifayo.

Mar aan booqonay suuqa weyn ee magalada Bosaaso ayaa waxaan lakuulanay dad weyne aad utirabadan oo kacabanaya lacagta doolarka ee ay ganasatadu sheegeen in ay wax ku ibinayaan,

Hooyo ka mid ah dadka aadeega u soo doontay suuqa ayaa noo sheegtay in arintani ay tahay mid aan loo dulqaadan karin islamarkaana ay ku timid xaalado taagan ayna siweyn uga xunyihiin.

Agaasimaha Wasaarada ganacsiga Dowlada Puntland Daahir Maxamed Xasan oo la hadlay Barnaamijka Dhaqaalaha SBC ayaa sheegay in ka dowlad ahaan ay ka fariisteen arimaha noocaan ah ayna siweyn uga dheregsanyihiin xaaladaha taagan.

Waxaa kale oo uu sheegay Agaasimuhu in dhacdooyinkan ay ku yimaadeen lacagtii Soomaaliga aheyd oo yaraatay islamarkaana ay dowladu ku howlan tahay sidii xal looga gaari lahaa.

Sikastoo ay xaaladu ahaataba waayadii ugu dambeysay waxaa hadal heynta ugu weyn aheyd is bed bedelka sarifka doolarka iyo lacagtii shilin soomaaliga ahayd ee la isticmaalayay oo badi yaraatay, taasina waa mid saameyn buuxda ku keentay bulshaweynta Puntland .

Casiiso Muuse C/kriin
SBC International Boosaaso