Kulankaan oo aan saxaafada loo ogalayn ayaa waxaa uu ka dhacay Xarunta Madaxtooyada oo ay si guud u wada qaateen Ganacasada Puntland gaar ahaan kuwa  dhoofiya Xoolaha iyo Kuwa soo dajiya Badeecadaha Dekada Magaalada Bosaso iyo Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole

Arrimaha ugu Muhiimsanaa ee ay labada dhinac ka wada hadleen ayaa waxaa ka mid ahaa  Canshuuraha laga qaado Ganacsatada iyo Sidoo kale dhibaatada ay Burcad badeedi ku hayaan Doonyahaya  u raran ganacsatada marka ay qadayaan Xoolaha oo ay afduubtaan inta ay sii raacan ku taga Dekadaha waa wayn oo ay ka soo qafaashaan Markaaiibnta markaas ka soo shiracanaysaa una socda Dalalka ka baxsan Somaliya oo ay ku tilmaameen xeelado cusub oo ay hada adeegsadaan Burcad badeedi  sidii dowlada  Puntland uu wax uga qaban lahaa Cabashada ka soo yeeraysa ganacsada

Inkastoo uu Maamulka Puntland horay uga digeen khatarta burcad badeda iyo Xeeladaha cusub ay hada la soo baxeen, ayan hadana waxaan jirin wax ka qabasho wayn oo dhanka Maamulka iyo Ganacsatada oo wax ka qabta marka laga yimaado Cabashada Ganacsatada iyo Maamulka Puntland oo ka digaya waxaa uu ugu yeeray khatarahaas

Inta Badan  Burcad Badeedu waxaa ay horay marka ay soo qafalanayaan Gaadiid badeedka  iyo dadka saran  ay u adegsan jireen doonyaha yar yar , hadase waxaa muuqata mid taas ka duwan oo ay la soo baxeen in ay sii racaan Markaakiibta Xolaha ka qada Bosaso iyo Doonyaha kadibna kaga dagan  iyaga iyo saxiimadoodu Dalalka ay u wadaan Xoolaha Markiibtu si ay ugu fududaato Masafadii ay markii hore ka soo aadi jireen oo ay cabsida wayn   ka qabi jireen Ciidamada ku sugan biyaha Somaliya ee la dagalamaya burcad badeeda NATO

kulankaani ay wada yeshaan madaxaweynaha dowlada puntland iyo Ganacsatada waaweyn xoolaha dhoofiya iyo kuwa Badeecooyinka kala soo daga Dakadaweyn ee gobolka bari ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili ay Burcad badeeda soomaalida ay noqdeen kuwo xirfado kala duwan oo ay wax ku qafaashaan ay la soo baxeen iyadoona ay burcadu ay haystaan gaadiid badeeda farabadan oo ay afduubteen .
Sawiro

C/casiis Ibraahim Axmed (C/casiis Okey )
SBC International Garoowe