Sibinaarkan ayaa waxaa loo soo gabgabeeyay Ganacsatada Puntland gaar ahaan kuwa Gobalka Bari  xaruntiisa Boosaaso, waxaana lagu qabtay Hoolka Rugta Ganasiga iyo Warshada Puntland, waxaana sibinaarkaana ganacsatada aqoontiisa Ganasiga ku aadan uga faa,idaynayay Dr,Siciid Cali Shire oo isagu ah qoraa,cilmibaare iyo lataliye waxaana uu sibinaarkani ku aadanaa fashilka ganacsiga iyo kahortaga ,Waxaana Sibinaarkan goob joog ka ahaa dhamaan Ganacsatada , iyo madaxda Rugta ganacsiga Puntland,

Ugu horaytii ayaa waxaa halkaa ka hadlay Gudoomiyah Rugta Ganacsiga Puntland Maxamuud Xayir Ibraahim oo isagu ugu horaytii mahad aan la soo koobi karin u jeediyay Dr,Siciid Cali Shire oo uu sheegay in uu in badan uga faa,idayay gananacsatada isla markaan uu sheegay in intii ka soo qayb gashayna uu mahad balaaran u jeediyay ,isagoo sheegay in Rugta Ganacsiga ay mar walba diyaar u tahay wax walba oo uu horamar ku sameenayaan ganacsatada Puntland iyagana looga baahan yahay inay isku tagaan oo noqdaan kuwo sameeyah sheer shirkadeed si uu ganacsigoodu u sameeyo horamar lakin hadii ay afka laga yirahaado waxaan nahay shirkad aysan meesha oolin sheerkii shirkada wax faa,ido ah malahaan ayuu hadalkiisi ku soo koobay Maxamuud Xayir Ibraahim.

Sidoo kale waxaa halkaa ka hadlay C/rixmaan Xundur oo ka mid ahaa Ganacsatadii ka soo qayb gashay tabarakan ku aadan Ganasiga ayaa wax uu sheegay in uu aad uga faa,idaystay isla markaana uu mahad balaar u jeedinayo Dr,Siciid Cali Shire wakhtiga uu u huray ee uu uga faa,idayay aqoonta qiimaha leh ee ku aadan Ganacsiga waxaana uu sheegay in wax ay ka barteen siminaarkan ay ku shaqayn doonan una baahan yihiin intaa iyo in ka badan oo aqoon ah oo ku aadan amuurah Ganacsiga.

Ugu danbayntii ayaa halkaa waxaa ka hadlay oo soo xiray Dr,siciid Cali Shire oo isagu sheegay in uu si aad ah ugu faraxsanyahay in uu la kulmo Rugta Gansiga iyo Ganacsatada Puntland gar ahaan kuwa Boosaaso ayaa wax uu sheegay in ganacsiga Puntland uu yahay mid heersare ah lakin uu rajaynayo in mar dhowna uu filayo in ay ka dhex muuqdo ganacsiga Soomaaliya iyo kan Geeska Afrika isla markaan uu diyaar u yahay in uu u faa,idayo ganacsatada Puntland iyagan uu kulan talinayo inay isku kalsoonadan oo noqdaan kuwo isku duuban si ay u gaaran hayanka dheer ee ganasiga hadayna isku fikrad noqdaan ay gaaranayn horamar aad u sareeyah ayuu hadalkiisi ku soo koobay Dr siciid Cali Shire.

Dhamaan ganacsatadii ka soo qayb gashay sibinaarkan ayaa waxay sheegen inay aad uga faa,idaysteen kana korarsadeen aqoon dheerad ah kuna naqmi doonan iyagoo dhamaan mahad balaar u jeediyay Dr Siciid Cali Shire iyo Rugta Ganacsiga Puntland ,





Axmed Nuune
SBC International Boosaaso