Ganacsato ka tirsan kuwa Gobolka Mudug ayaa deeq raashin iyo Lacago isugu jira waxa ay maanta gaarsiiyeen Dadka xaqootida taagta daran ee ku dhaqan magaalada Gaalkacyo .

Dadkani la gudoonsiiyay Deeqda ayaa waxa ay ahaayeen dad iyagu taag daran islamarkaana qaab barakac ah ku yimid gobolka Iyagoona ku jiray Xeryaha Qaxooti, sida xeryaha Towfiiq iyo Buuley Bacleey.

Saaka Subaxii hore ayaa laga bilaabay Qeybinta Deeqdan xerayahaasi iyadoo la gudoon siinayay qoyskiiba Deeq ku filnaan doonta maalmaha soo socda sida uu xaqiijiyay mid ka mid ah Gudiga ganacsatada oo lagu magacaabo Maxamed Warsame.

Waxa uu sidoo kale sheegeen Gudiga ganacstada maanta qeybiyay Deeqdan in dadkan Tabaleysan deeqaha ay ugu talagaleen ay sii wadi doonaan mudooyinka soo socdana ay u qeybin doonaan deeqyo kala duwan oo ay ugu talagaleen .

Tani waxay noqoneysaa tii ugu horeysay oo ay ku dhaqaaqaan ganacstada Gobolka Mudug si ay u quudiyaan dadkan tabaaleysan oo xaalad adagi ku heysatay xeryaha ay ku jiraan.

Liibaan C/laahi Faarax Qaran
SBC International Gaalkacyo.