Qaar ka mid ah ganactada Suuqa Boosaaso oo Maanta u waramay warbaahinata SBC Ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa Ganacsiaga Suuqa Boosaaso uu hoos dhac ku yimid Xilli dad badan ay ka xagaa baxeen magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Qeybaha kala duwan ee Ganactada Suuqa Boosaaso ayaa docda kale sheegay in Ganactda laga qaato Canshuuro islamarkaasina Dhaqaalaha Soo gala aanu ku filneyn Bixinta Kirida Goobta ay ku ganacsadaan, Canshurta iyo Sidoo kale Quutal Daruurigooda.
Ganactada Suuqa Boosaaso oo iskugu jira kuwa Kabarada iyo kuwa Bakaaharada leh ayaa sheegay In sannadkan uu si weyn uga duwan yahay suuqa Dhaqdhaqaaqiisa Sidii uu ahaan jiray Sannadii hore ee la soo dhaafay .
Mid ka mid ah Ganactada manta aan kula kulan Gudaha Suuqa Boosaaso ayaa sheegay in Maalintii oo dhan goobta ganacsi ay Furantahay ayna yartahay cid wax ka gadaneysa Isaga oo u aaneeyay in sannadkan si aaad ah looga xagaa Baxay magaalada
Suuqa Magaalada Boosaaso oo Bilihhii ugu danbeeyay ku jiray inuu ka soo kabto Dabkii xoogaanaa ee qabsaday Bilowgii Sannnadkan ayaa waxaa Ganacstada oo iskood isku abaabulay waxay markale dib u bilaabeen ganacsigii suuqa .
Suuqa Weyn ee Boossaaso oo ka mid ah Suuqyada Ugu dhaqdhaaqa Badan gobolada Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ganacsigiisa Ku xiran Xilliyada Bad furan Gobolada Kala duwan ee Dalka Kuwaasi oo shixnadaha laga qaado la geeyo goboolada qaarkood laakiin Xilligan waxaa uu suuqa Daremayaa Dhaqdhaqiisa oo gaaabis ah.
Casiiso Muuse C/kariin
SBC International Boosaaso