Tan iyo wixii ka dambeeyay markii gacan ku heynta magaalada Baladweyne ay la wareegeen ciidamada DKMG ah iyo ciidamada Itoobiya oo garabsiinayay ayaa waxaa gabaabsi sii noqonaya howlihii ganacsi ee ka jiray magaaladaasi.

Qaar ka mid ah ganacsatada Magaalada Baladweyne ayaa war ay siiyeen xafiiska SBC ee Garoowe waxa ay sheegeen in howlahooda ganacsi uu noqday mid xanibmay ka dib howlgalo joogto ah iyo bandow ay badi ku dhaqaaqaan ciidamada Soomaalida iyo kuwa Itoobiya ee Baladweyne ku sugan.

“Ganacsigayo waxa uu noqday mid xanibmay, ganacsatada qaarna ay kala kulmeen dhaqaale burbur xoogan, waxaana u sabab ah ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha ganacsatada ah ee ku sugan Magaaladaasi,

Waxaa uu sidoo kale sheegay in badi magaalada Baladweyne ay waqtiyada qaar ku soo haraan ciidan qura, qofkii dhaqaaqaana uu noqdo ciidan ha ahaati Itoobiyaanka iyo kuwa Soomaalida .

Arimahan cabashada ah ee ka soo yeeraya ganacsatada waxa ay imanayaan xili magaaladaasi horaantii bisha 1aad ee sanadkan 2012da ay baladweyne qabsadeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaalida, iyadoona ay soo laa laabteen weeraro loo geysto ciidamada taas oo laftigeed noqotay mid saameyn ku yeelatay dadka rayidka ah.

C/casiis Ok
SBC International- Garoowe