Koox burcad ah ayaa ku dishay muwaadin Soomaali ah gudaha dalka Koonfur Afrika, iyadoo ay soo kordhayaan caqabadaha ay la kulmayaan qaxootiga Soomaalida ee ku dhaqan dalkaas.

Waxaa caqabadahaas ka mid ah inay nafsadooda ku waayaan muwaadiniinta Soomaalida, mana jirto cid si rasmi ah ugu taagan inay wax ka qabato dhibaatooyinkaas joogtada noqday.

Waa uu geeriyooday muwaadinka Soomaaliga ah ka dib markii si xun loo jir dilay isagoo ku sugan waaxda imigreeshanka ee dalka S/Afrika, waxaana sidaas u silac dilay koox burcad ah oo u dhalatay dalkaas.

Sida uu sheegayo mid ka tirsan wariyaasha halkaasi ku sugan ayaa aad uga deyriyay xaalada Soomaalida ku sugan dalkasi isagoona muujiyay dhibaatooyinka sii kordhaya isla markaana joogtada ah sida ay u saameeyeen qaxootiga Soomaalida ee ku nool dalkaas, iyadoo dowladda ay ku guul daraysatay in ay ugu yaraan xakameyso dhibaatooyinkaas.