Maamulka Degmada Boosaaso Xarunta gobolka Bari ayaa ka warbixiyay kulan ay maanta la qaateen gudi ay soo magacawdeen ganacsatada Hilibka ee ka howlgala magaalada Boosaaso oo iyagu maalmihii ugu dambeeyay waday shaqo joojin dhanka qalida hilibka ah.

Waxa uu sheegay gudoomiye Xasan Cabdalla Xasan in kulankaasi ay isku weydaarsadeen labada dhinac, wax alaala wixii qilaafaad ah ee kalifay in shaqo joojin ay ku dhaqaaqaan ganacsatada iibiya xoolaha iyo kuwa qowraca Hilibka.

Waxaa uu sidoo kale sheegay duqu in kulankaasi uu ku soo dhamaaday si wacan oo is afgarad leh islamarkaana ay ku qabciyeen ganacsatada in ay dib u bilaabaan howlahoodii shaqo ee qowricista hilibka .

Waakan  gudoomiye Xasan Cabdalla oo ka hadlaya waxyaabaha ganacsatada ku kalifay in ay shaqada joojiyaan iyo waxa ay iminka isku afgarteen (DHAGEYSO)

Maalmihii ugu dambeysay ayaa waxaa magaalada Boosaaso ka jiray Shaqo joojin siweyn loo wada dareemay oo ay ku dhaqaaqeen ganacsyada Hilinka ka ganacsada ee magaalada Boosaaso kuwaas oo cabashadoodu aheyd sida la shaaciyay ka dib markii ay soo bexeen warar ku aadan in lala wareegi doono goobaha ay ku ganacsadaan ganacsatada Hilibka .

SBC International Boosaaso