Waxaa Saaka Barqadii Magaalada Boosaaso lagu Qisaasay Gacan ku dhiigle Jaamac C/laahi Cabdulle oo horey dil ugu geystay Marxuum ex Garsoore C/naasir Xaaji Aadan oo ka mid ahaa saraakiisha Maxakamda Rafcaanka ee Gobolka Bari

Marxuumka saaka La dilay ayaa dilka uu geysta waxaa uu ka dhacay Dhawaan Afaafka hore ee Maxkamada Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari

Qisaasta ninka dilka geystay waxaa goobjoog ka ahaa qaar badan oo ka mid ah Madaxda Xeer beegtida ee Puntland & Madaxda Ciidamada Booliiska iyadoo dilka Qisaasta ah ay fuliyeen Ehelada Marxuumkii horey loo dilay.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland Maxamuud Xasan Aw-cismaan oo la hadlay warbaahinta SBC International ayaa sheegay in Dilka qisaasta uu saaka dhacay islamarkasina ay fuliyeen Ehelada Marxuumkii horey loo diley
(DHAGEYSO)

Dilka Qisaasta ah ee saaka ka dhacay Boosaaso ayaa waxaa uu imanaaya xilli Dad dilalka geystay Puntland ay ku xiran Yihiin Xabsiyada Deegaanadan

SBC International  Monitoring