Hoolka Shirka Magaalada Cadaado waxaa ka Billowday Gacan ka hadal, Kadib markii leysla dhacay Kuraas, Lana Jeex Jeexay Dastuurkii Qorshihiisu Uu Socday,

Ciidamada Ammaanka ayaa tegay Goobta, wallow aysan u suuragelin in ay Dejiyaan Xaaladda, Ciidan Itoobiyaan ah ayaa waxaa ay ku Guuleysteen in ay kala Wadaan Ergada, Shirkiina sidaa ayuu Hakad kale ku galay, qaar ka mid ah Ergada Gedootay ayaa Billaabay in ay Kuraas iyo Kumbiyuurro la dhacaan kuwa ku qanacsan Dastuurka qeybintiisa.

Suldaan Axmed Garbacunne Oo Kamid Ah Ergadda Shirka Cadaado Noona sheegay in uu kamid Yahay Dadka Xaqooqdooddii la duudsiiyay, Wuxuu Sheegay in uu halkaasi ka dhacay Gacan Ka Hadal Kooban,

Sidoo Kale Wuxuu Sheegay in Rajadda Shirka cadaado uusan wanaagsaneyn isagoo sheegay ineysan wax cadaalad ah ka socon dagmadda cadaado Ee Gobolka Galgaduud.