Maamulka Puntland ayaa maanta u gacan geliyay waalidiintoodii 5 caruur ah oo gabdho ah kuwaa soo ay ciidamada Amaanku gacanta ku soo dhigeen xili 2 nin ay ku safrinayeen dhanka magaalada Boosaaso.

Aamino Maxamuud yuusuf oo ka tirsan wasaarada Haweenka Puntland islamakranaa gacanta kuheysay gabdhahan yar yar mudo ka badan bil ayaa sheegtay in gabdhahan yar yar loo soo gacan geliyay markii loogaga shakiyay ragii waday in ay tahriib u wadaan, lagana keenay gobolka shabeelaha dhexe deegaan lagu magacaabo Xawaadleey.

Ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland Maxamed xareed ayaa u aqriyay saxaafada magacyada gabdhahan isagoona sheegayna da’doodu in ay u dhaxeyso 5sano jir ilaa 13 sano jir.

Waxa uu intaasi ku daray xeer Ilaaliyuhu in ragii waday gabdhahan yar yar ay u wadeen haweeney ay u sheegeen in ay ku sugantahay magaalada Boosaaso taas oo ay u shaqeyn lahaayeen.

Arintaasna waxa uu ku tilmaamay mid aan sharciga ogolen ee ay u arkayaan ka ganacsiga dadka, sidaa awgeedna maxkamad lagu soo taagayo labada nin ee waday caruurtan laguna qaadayo talaabo sharciga waafaqsan

Dhageyso Warbixin ku saabsan Warkan iyo Wariye Maxamed Siciid Yuusuf
warka gabdhaha walidkood lagu wareejiyey

Sawiro
gabdho ya ryar gabdho ya ryar (1) gabdho ya ryar (2) gabdho ya ryar (3)

Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe