Laba gabdhood oo mataano ah oo leh hal jir & laba madax ayaa dhawaan ku dhashay magaalada  Suining Isbitaalka ku yaal ee lagu magaacaabo Central Hospital Sichuan oo ah magaalo ku taal  Koonfurta Galbeed ee dalka Shiinaha.

Dhakhaatiirta Isbitaalka ay ilmahan ku dhashay ayaa waxay sheegeen in u gudbiyeen ilmahan Isbitaal weyn oo ku yaal magaalada Chongqing ee isla gobolkaasi.

Ilmahan mucjisada ah ayaa 5-tii bishan May ku dhashay Isbitaal waxaana aty leeyihiin laba dhabar, laba madax & laba hunguri ama dhuun laakiin inta kale ee jirka waa ay isag dhegan yihiin.

Wargeyska Huaxi Metropolis Dailyee ka soo baxa magaalada Chongqing ayaa daabacay in dhkhaatiirta ayaa sheegay inay adag tahay in ilmahan lakala saaro iyagoo sheegay inay halis weyn kaa karto talaabadaasi maadama ay wadaan inta kale ee jirka ama xididada.

Waalidiinta gabdhahan caloosha isaga dhegan oo ah beeraley ayaa sheegay inaanay markoodii horeba qorshaha ugu jirin inay awlaad dhalaan, iyagoo sheegay inaanay ka bixi karin quudintooda ama aanay xaqiijin karaan inay sii noolaadan ilmaha ay dhalaan.

Daawo Sawirada

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo warbixin muuqaal ah oo ilmahan laga diyaariyey

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliidsons@gmail.com