Gabdhaha xulka qaranka kubada koleyga qaranka Soomaaliyeed ayaa ciyaar adag oo galabta ka dhacdey magaalada Doxa ee caasimada wadanka Qadar, taasi oo ay la yeesheen gabdhaha xulka qaranka dalka Kuwait.

Kulankan ayaa ahaa kii shanaad oo ay ciyaaraan gabdhaha Soomaaliya iyadoo sadex ka mid ah oo ay la kala yeesheen gabdhaha xulalka wadamada Lubnaan, Tunsia & Masar laga soo badiyey halka ay ka soo badiyeen kulan ay la yeesheen gabdhaha xulka qaranka Qadar oo ah dalka marti galinaya ciyaaraha kubada koleyga dalalka Carabta, iyagoo galabtana ka badiyey kuwa wadanka Kuwait,

Ciyaartii galabta oo ay si weyn isu soo diyaariyeen gabdhaha xulka qaranka Soomaaliya waxay si xarago leh u garaaceen kuwa dalka Kuwait iyagoo kaga badiyey 67 dhibcood halka 47 ay keensadeen Kuwait.

Ciyaarta u dhiman xulka qaranka Gabdhaha Soomaaliyeed waxay la yeelan doonaan hadii ALLE idmo xulka qaranka gabdhaha dalka Jordan maalinimada Isniinta 19-ka bishan December.

DAAWO SAWIRADA
 

Shukri Haashim
SBC Kuwait City