Gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaaboa Najmo Axmed Cabdi ayaa su’aal aad u adag oo ay dhici karto in dad badan Soomaaliyeed ay jeclaan laheeyeen in looga jawaabo gaar ahaan marka la eego siyaasada Mareykanka ee ku wajahan Soomaaliya waxay waydiisey Madaxweynaha Mareykanka Barack Xuseen Obama, waxaana gabadhaasi oo ka qayb gashay fadhi ay ka qayb galeen dadka asalkoodu ka soo jeedo Afrika ee Mareykanka ku nool oo lagu casuumay Madaxweyne Obama.

Gabadhan ayaa su’aasha ay waydiisey madaxweyne Obama wuxuu kaga jawaabay in Soomaaliya ay mudo 20 sano ah laheyn wax dawlad ah oo si buuxda u shaqeysa, isagoo ku tilmaamay in Soomaaliya xiligan qatar ku tahay wadamada dariska la ah wuxuuna tusaale u soo qaatey qaraxii ka dhacay Kampala July 2010.

Hadaba maxay aheyd su’aashaasi ay waydiisey gabadhan Soomaaliyeed Madaxweyne Obama muxuuse ka leeyahay su’aashaasi, muxuuse ka aaminsan yahay xaalada Soomaaliya xiligan. Si aan lagaaga sheekeyn daawo Video ga hoose ee madaxweyna Obama & gabadha Soomaaliga ah ee su’aasha waydiisey oo waliba ah gabar asturan oo ku labisan dharka haweenka Soomaaliyeed caanka ku yihiin.

Halkan ka daawo

Yaasin Faradheere
SBC Stockholm