Gabar Soomaali ah oo qaadatey dhalashada wadanka Norway ayaa halagaa sheego & sheydaanimo waxay meel ka dhac ugu geystey diinta Islaamka dhaqanka Soomaaliya & sharaftii hablaha Soomaaliyeed ka dib markii dhawaan ay shaaca ka qaaday inay tahay “Lesbian” ama haweenka la seexda haweenka kale (Alhamuna Innjeynaa”, iyadoo talaabadan loo qaatey mid ku doonayso inay ku fasaahadiso gabdhaha & wiilasha Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah ee ku nool dalka Norway & wadamada Yurubta.

Gabadhan mageecada runta ah qarsisay sababo ay ku macneysay amaankeeda ayaa adeegsata magaca Amaal Aadan waxaana kulan ka dhacay magaalada Oslo ee caasimada Norway bishii August ee la soo dhaafay ay ku shaacisey arintan foosha xun waxaana hadaladeedan ay ku soo aadayaan iyadoo mudooyinkii ugu dambeeyey si weyn u dhaleecaynaysay Soomaalida ku dhaqan wadanka Norway.

Amaal Aadan waa tuma ?

Gabadhan magaceeda ku sheegtey Amaal Aadan waxay ku dhalatey waqooyiga Soomaaliya gaar ahaan baadiyaha magaalada Burco maalinta & dhalashada ay dhalatey si rasmi ah looma hayo laakiin waxaa la sheegay in sanadkii 1983-dii ay dhaltey.

Gabdhan waxaa Aabaheed uu dhintey iyadoo afar sano jir ah waxaana markii ay ka dhaceen Gobolada Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ee haatan la baxay Somaliland dagaalada sokeeye waxaa gabadhan Ibliisada ah iyo qoyskeedii kale u soo guureen magaalada Muqdisho ee caasimada ah.

Gabdhan waxay sheegtey inaanay waxna qori karin waxna aqrin jirey xiligii ay Soomaaliya joogtey waxay kaloo sheegtey inay ku noolayed nolol liidata shiidku farqaha ku dhagenaa iyadoo xustey in markii dagaaladu dhaceen inay dadka dhintey jeebabkooda lacagta ka baaran jirtey.

Sanadkii 1996-dii iyadoo 13 jir ah ayaa qoys ay qaraabo ahaayeen oo helay sharciga dib midowga qoyska (family reunion) ee dalka Norway ayaa gabdhaasi ku soo waday waan soo korsanay waxaana la keenay dalka Norway.

Markii la keenay dalka Norway gabdhan Amaal la baxdey waxay ku dhaqaaqdey talaabo aanay jecleysan qoyskii keenay dalkaasi waxaana ay gashay suuqa iyadoo dariiqyo jiif, markii damebe isku dhiibtey laanta awlaada faraha ka baxa ee waalidkood la noolan waaya iyadoo sheegtey in Soomaalida iyo qoyska ay la nooleyd ee dalka Norway keenay ay ka taagan tahay qaati waxaana la wareegay hay’adaha Culture and Child protection taasi oo aheyd sidii ay rabtey oo wixii ay doonto lugta ku walaaqan laheyd.

Waxay noqotey dadka aadka u adeegsada maandooriyeyaasha noocuu doone ha ahaadee iyadoo caan ka aheyd dariiqda degmada Grønland ee caasimada Oslo, sidoo kale dariiqyada magaalada.

Mudo sanooyin ah oo ay ku jirtey darbi jiifnimadaasi ayaa waxaa nolol u sameeyey hay’adahii gacant a ku hayey iyagoo waxbarasho geeyey, waxaana sanooyinkii ugu dambeeyey ay noqotey qof iskeed u shaqeysta, iyadoo noqotey Turjumaan ka shaqeeya xarumaha Booliiska, Iskuulada & hay’ada kale waxaa kaloo ay noqotey la taliye ka tirsan dawladaha hoose ee deegaanka.

Amal oo lafaheeda kala carartey Oslo

Sanadkii 2002-dii ay sheegtey inay nafteeda qatar ku jirto oo ay ka carartey magaalada Oslo waxaana ay degtey degmada Hønefoss ee gobolka  Buskerud, waxay ku andacootey in lagu qasbay inay ka guurto magaalada Oslo iyadoo sheegtey inaanay si xor ah ugu dhex socon karin, laguna sameynayo handadaad, digniin dhimasho, hadalo cay ah, isla markaana dadka ka soo jeeda qowmiyadaha soo galootiga ah ay ka dambeeyaan dhibaatooyinkaasi.

Waxay ku sheegtey jidadka Norway inaan loo mari karin sidii la doono oo ay ka liidataan kuwa Soomaaliya.

Waxay ku sheegtey asbaabaha ugu waa weyn ee markii hore loo kadeedey sida hadalka ay u dhigtey iyadoo xitaa labiskeeda lagu caayey, iyadoo xusey in ay inta badan jeceshay xirashada saraawiisha gaar ahaan kuwa jirka ku dhegan.

Soomaalida ayey ku tilmaamtey “Dad u baahan inay la jaanqaadaan dhaqanka Norway oo ay dadka dhexgalaan”.

Buugeeda “Na Arka”

Buug ay qortey haweenaydan oo ay ugu magacdartey “See Us ama na arka” oo afka Norwegian-ka ku noqonaya “Se Oss” waxay si xun afka u saartey dadka Soomaalida & dhaqankooda waxay sheegtey in ragga Soomaalida ay yihiin ma shaqeystayaal isla markaana lacagaja cayrta loo siiyo ilmahooda qaadka ku cuna, waxay kaloo ku sheegtey in caruurta faraha badan iska dhalaan Soomaalidu si ay ugu qaataan lacagaha cayrta, iyadoo sidoo kale intaasi ku dartey in xitaa ay ka been sheegaan in ay is qabaan oo naaguhu nimankooda dhahaan waan kala tagnay isagoo guriga u jiifa, intaasi kaliya kuma koobine waxay sheegtey in dhibaato & colaad joogto ah ay ka dhex aloosan tahay qoysaska Soomaalida oo Aabuhgu uu garaaco hooyada ilmahana si xun loo jirdilo.

Buugeeda Amaal Soomaalida kaliya iliga kuma surene miciyaha ayay saartey qowmiyadaha laga tirada badan yahay ee Norway soo galay kuwaasi oo ay ku tilmaamtey inaanay laheyn xadaarad ay dadka ku dhexgalaan waxaana ay sheegtey in hay’adaha Norway ee dadka caawiya si xun loogu xadgudbey, waxay kaloo dhaleecaysay siyaasada dadka soo galootiga ah ee Norway oo ay ka dhigtey mid xadka ka baxdey.

Laakiin Amaal way ilowde in xitaa iyadu ay dalka soo galooti ku tahay oo waxay malaha ku riyootey inay Norwegian dhalad ah tahay, mase ogeyn inay ka timid dhul baadiye ah.

Markii uu buugaasi soo baxay Si weyn ayaa waxaa si weyn u cambaareeyey bulshada soo galootiga ah ee dalka Norway.

Sanadkii 2010-ki dood ay ka qayb gashay oo ku aadaneyd in degmada Grønland ay tahay ama ay ku socoto inay noqoto degmo Muslimiin waxay Amaal waxay sheegatey in sanado ka hor degmadaasi ay noqotey meel Muslimiin.

Laakiin waxaa xaajo oo dhan faraha ka baxdey bishii August 2011 markii Amaal oo ah hooyo laba caruur dhashay ay sheegtey inay sanooyin ka hor iska deysay haasawihii ragga oo ay ka doorbiday haweenka, iyadoo qiratey in ay tahay Lesbian.

Dadka soo galootiga ku gala Yurub oo dhaqamada fasahaadka ku dhaqaaqa ayaanay ugu horeyn gabadhan ceebta wajigu kaga dhacdey, waxaana horey u jirtey gabar Soomaali ah oo lagu magacaabo Ayaan Xirsi oo buug ay ku qortey ku dhaleeceysay diinta Islaamka, sidoo kale Nasir Khadir oo reer Falasniin ah oo degan Denmark ayaa buug caynkaasi ah, Salman Rushdi oo in ku dhaw 20 sano dhuumaaleysi ku maqan ayaa buug Islaamka uu ku xadgudbay qoray iyadoo sidoo kale haweenay reer Bangaladesh oo lagu magacaabo Taslima Nasirin oo masaafuris wadankeeda ugu maqan ay xadgudubyo ku sameysay diinta Islaamka.

DAAWO VIDEO


Yaasiin Faradheere
SBC Stockholm
yaasinfaradheere@hotmail.com