Maite Moscoso oo ah haweenay u dhalatey wadanka Mareykanka & gabadheeda oo 16 sano jir ah isla markaana ay isku magac yihiin ayaa lagu wadaa inay ka qayb galaan ciyaaradaha Olympic-da ee lagu qabanayo magaalada London ee caasimad wadanka UK xagaaga soo socda.

Maite waxay goor horeba u gudubtey ka qayb galka ciyaaraha US Olympic ka dib markii ay ka gudubtey imtixinaadka arinakasi ku aadan, waxaana gabadeeda ay haatan hardan ugu jirtaa inay ka qayb gasho tartantamada heerka caalami ah, iyadoo haatan ka qayb gasha tartamada gudaha wadanka Mareykanka mudo laba goor ah.

Tababaraha qoyskan reer Moscoso Don DeNoon ayaa u sheegay Tv-ga Sentinel suurgalnimada in gabadhan iyo hooyadeed ay ka qayb galaan ciyaaraha Olympic-da London 2012, gaar ahaan qaybta orodka.

Maite oo ah gabadha ay isku magaca yihiin hooyadeed waxay ka gashay kaalinta labaad tartan ay wada yeesheen wadamada Canada & Mareykanka, sidoo kale walaalkeed oo 9 sano jir ah oo lagu magacaabo Juan ayaa ciyaaraha Junior Olympics 2010 wuxuu ku guuleystey bilad, taasi oo muujinaysa in qoyskan ay u soo jeesteen ka qayb galka tartamada caalamiga ah.

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliidsons@gmail.com