Gabar 9 sano jir ah oo u dhalatey wadanka Jaban ayaa wacdaro la yaab leh waxay ka dhigtey riingaha ama masraxa ciyaaradaha Musaaricada ka dib markii ay la yaab & amakaag ku ridey dagaalyahanka weyn ee reer Canada ee caanka ku ah ciyaaraha musaaricadaTyson Smith balse riingaha ciyaaraha ku soo fuula magaca Kenny Omega.

Gabadhan oo oo lagu magacaabo Haruku ayaa waxay si la yaab leh dhawr mar haraati la heshay Omaga, iyadoo dhulka la gashay.

Waxaa kale oo la yaab lahaa dhawr mar oo ay la heshay feer iyadoo riingaha banaanka uga saartey, sidoo kale waxay qoorta kaga qabatey labadeed lugood.

Tiro ka dhawr jeer oo Omega uu isku dayey in uu haraati la helo gabadhaasi ayey si xirfad ku jirto uga gambatey.

Si aad u daawato video dagaalkaasi link hoose ka daawo wacdaraha gabdhan 9 jirka ah ku dhigtey Omega oo dagaalka musaaricada caan ka ah oo waliba rag badan mudo fara badan dhulka dhigay.

Daawo

Yaasiin Faradheere
SBC Stockholm