Gabar yar oo u dhalatey wadanka Holand ayaa iyadoo ku jirta safar Iskool waxay dhashay ilmo yar oo iyadoon horey loo ogeyn uurka leedahay.

Gabadhan oo magaceeda aan la sheegay ayaa soo jeeda deegaanka Groningen ayaa xiligii ay fooshu ku soo boodey waxay la socotey ardeyda ay isku galaaska ama fasalka yihiin waxaana iyadoo lagu jiro socodkii qabatey fool ka dib markii ay dareentey xanuun xaga caloosha ah, waxaana durbadiiba halkaasi oo gaarey kooxaha gurmad deg deg ah ee caafimaadka iyadoo halkaasi isla markiiba ku dhashay.

Laakiin sheekada mucsjisada ah waxay tahay gabadha qudheeda & qoyskeeduba ma aanay ogeyn uur inay leedahay, iyadoo aanay ka muuqan wax calaamado muujinaya inay uur leedahay.

Gabdhan ayaa diidey inay sheegto ilmaha ay dhashay aabihiis, sida ay u sheegeen macalimiinta iyo maamulka Iskoolka ay dhigato gabadhaaso wakaalada wararka ee ANP.

Booliiska ayaa laga codsadey in gabadhaasi xaaladeeda ay baaritaan ku sameeyaan iyadoo la sheegay in ay ku sugan tahay jawi aan amaan aheyn.

Wargeyska Telegraaf ee ka soo baxa wadanka Holand ayaa daabacay in gabadhan yare e ilmaha dhashay Aabaheed uu hada ka hor galmo kula kacay gabadhan mid ka mid weyn.

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliidsons@gmail.com