War deg deg ah xaflada gaba gadabada Shirkii wada tashiga Soomaalida ayaa goor dhaweyd ka furantay howlga Jaamacada PSU ee Magaalada xarunta u ah Puntland ee Garoowe.

Kulanka oo lagu waday in maalin imadii shalay uu ku qabsoomo halkaasi balse uu ku yimid dib u dhac ayaa ka dib markii ay soo bexeen waxyaalo aan la isku afgaran balse iminka ay u muuqdaan in la isku afgartay oo lagu dhawaaqayo natiijooyinkii ka soo baxay.

Waxaa ay sheegayaan wararka qaar in la isku waafaqay qaabka dhaman qodobadii laga hadlay oo ay ugu weyneed in laga dhigo baarlamanka kalabar.

Madaxda DKMG ah ayaa saxiixay qodobadii laga wada halsy islamarkaana la isku afgartay.