Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo khudbadii uu jeediyay ka badnayn 20-daqiiqo ayaa guulo waa weyn ka sheegtay lixdii bilood ee lasoo dhaafay shaqooyinka xukumadiisu qabatay.

Nabadgalyada, iyo adkaynta ammaanka,la-dagalanka Al-Shababka Galgala oo ciidanka Puntland kali ku noqday,hagaajinta nidamka mamulka, dib u habaynta Hay’adda ammaanka, xoojinta xiriirka wada shaqaynta caalamka, ka hor taga tahriibka iyo burcad badeedka ayaa ka mid ahaa waxqabadka uu Gaas sheegay inay qabteen.

Halkaan ka dhageyso Warbixin:

Halkan ka Akhriso Khdubadii Gaas oo qoraal ah.

KHUDBADII MADAXWEYNAHA OO DHAMAYSTIRAN

Gudoomiyaha, Gudoomiye Ku xigeennada, Guddiga joogtada ah, Xubnaha Golaha Wakiillada, Golaha Xukuumadda,Golaha Garsoorka, Madaxda Dhaqanka, Wakiiladda Ururada bulshada rayidka ah, Wakiiladda hey’addaha caalamiga ah, Qunsuliyada Dawladda Ethiopia, Bahda Saxaafadda, marti sharafta iyo dhamaan intiina madashan goob-joogga ka ah, waxaan idiin soo gudbinayaa salaam diiran, anigoo idiin rajaynaya guul, caafimaad iyo horumar.

Mudane Gudoomiye mudaneyaal iyo Marwooyin.

Waxaan ku faraxsanahay inaan ka soo qaybgalo furitaanka kalfadhiga 35-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Anigoo ku kalsoon xildhibaanadu inay guul ka gaari doonaan agendeyaasha kal-fadhiga horyaalla, mudaneyaal Sida Dastuurka dalku qabo, waxaan warbixin kooban idin ka siinayaa waxqabadkii Xukuumadda Muddadii lixda bilood ee sanadkan, dawladdu iyadoo  gudanaysa Waajibaadkeeda Dastuuriga ah, waxay ku tallaabsatay waxqabad iyo horumar balaaran oo ka turjumaya ballanqaadkii aannu dadka reer Puntland u sheegnay.,

Waxaanu leenahay kuna soconaa Qorshe-sanadeed guud  oo tilmaamaya meeshii aanu ka nimid shalay, meesha aanu maanta joogno, meesha aanu u socono iyo waxa aanu rabno inaanu qabano, kaasoo ay ku qeexan yihiin dhammaan himilooyinka iyo yoolka la hiigsanayo, iyadoo culayska la saaray dib-u-habaynta Hay’adaha  Nabadgelyada, dib u habaynta shaqaalaha dawaladda, dib u habaynta Cadaaladda iyo Garsoorka, kobcinta  dhaqaalaha, hagaajinta kaabeyaasha dhaqaalaha, Arrimaha Bulshada, Baahinta xukunka, daryeelka deegaanka, Dib u heshiisiinta Beelaha Puntland,sidoo kale  waxaanu wax badan ka qabanay hagaajinta xiriirka iskaashiga caalamka.

Amniga:

Mudaneyaal iyo marwooyin, Xaaladda nabadgelyadda guud ee dalku waa fiican tahay 100%, Puntland waa nabad, Puntland waa goob amaan ah, Puntland waxaa ka jirta nabadgelyo iyo xasilooni dhab ah, taasina Ilaahay ka sokow waxay ku timid shaqada adag ee dawladdu ka qabatay  in la helo amni sugan oo lagu kalsoon yahay, waxay Dawladdu dib u sixis iyo qaabayn ku samaysay haddana ku wadaa hey’adaha nabadgelyada dalka iyadoo diiwaangelin sugan lagu sameeyey dhammaan ciidamada amaanka, waxaanu   kor u qaadnay tayeynta, xoojinta iyo wada shaqaynta hey’adaha Amniga,

Waxaanu qaar ka mid ah xarumaha ciidanka  Booliska u samaynay dhismeyaal cusub, dayactir iyo balaarin kuwii horay u jiray, waxaana laga hirgeliyey Degmooyinka kala ah EylJariiban, Garacad, Qardho iyo Gaalkacyo, sidoo kale waxaa la dhisay bakhaarada xafididda hubka oo aan horey u jirin meelo badana laga sameeyey, waxayna dawlaadu soo saartay wareegto mamnuucaysa haysashada iyo ka ganacsiga hubka. Waxaa la tababaray ciidan Boolis oo isugu jira Birmad, ciidanka nabadgelyada wadooyinka iyo ciidanka cashuuraha beriga oo dhan 425 askari kuwaas oo agabkii shaqada, qalabkii iyo gaadiidkii loo dhamaystiray.

Mudane Gudoomiye Mudaneyaal,Tahriibku waa aafo qaran oo soo wajahday dadkeena iyo dalkeena, waxayna ka kooban yihiin laba qaybood, kuwo naga tahriiba iyo kuwo noo soo tahriiba, kuwa naga tahriiba waa xoogii dalka, waa aqoontii berito, waxay qoysaskooda u geystaan burbur  dhaqaale oo ku siman inay xaraashaan guryahooda iyo hantidooda, taasoo qoysaska laga tahriiba u keenaysa hoyla’aan iyo barakac dhaqaale, iyadoo aan la garanayn tahriibuhu meesha uu ku danbeeyo nolol iyo geeri, kuwo noo soo tahriiba waxaa nooga imaan karta khatar amni iyo mid caafimaad, sidaas darteed Dawladdu waxay ka soo saartay awaamiir cad oo lagu joojinayo tahriibta, waxaana la furay xafiiska la-dagaallanka tahriibta iyo ka-gacansiga dadka, cid kasta oo falkaas ka qeyb qaata waxaa la horgeynayaa cadaalada.

Cidhibtirka Argagixisada iyo la dagaalanka budhcad badeedda:

Mudanayaal iyo marwooyin, Dawladdu waxa ay ku guuleysatay shaqo badanna ka qabatay ka hortaga, fashilinta, falalka argagixisada iyo dilalka qorshaysan ee cadowgu abaabulo, Mudaneyaal Dawladda Puntland iyo shacabkeedu waxay dagaal adag kula jiraan Argagixisada ALSHABAAB, waxaana laga xoreeyey oo ciidamada dawladdu kaga guuleysteen buuraleyda Gal-gala, nasiib daro Dawladda Puntland dagaalkaas keligeed ayey ku noqotay, waxaanse idiin xaqiijinayaa Puntland waxay leedahay ciidamo amni oo ku filan sugida amniga gudaha iyo ka hortaga cid kasta oo ku soo gardaroota xuduudaheeda.

Waxaa Sidoo kale, guul weyn laga gaaray falalka burcad-badeeda oo hoos loo dhigay boqolkiiba 98%, sidii aan horayba meelo badan uga sheegay waxaa jiray labo budhcad badeed mid ka tagtay dhanka soomaaliya iyo mid caalamiya, nasiib wanaag tii Soomaalida waa laga tirtiray Puntland waana laga suuliyey, waxaa weli ku hadhsan Badda Soomaaliya budhcad badeed caalamiya ah oo ku soo duushay inay xaalufiso kheyraadka  badda Soomaaliya, iyadana Dawladdu waxay ka qaaday talaabooyin wax ku ool ah, waxaanu ku rajo weynahay dhowaan in laga suuliyo budhcad badeeda caalimiga ah.

Dhaqaalaha dalka:-Mudaneyaal, Sida aad la socotaan,  Xukuumaddaydu waxay dhaxashay culays dhaqaale, si dhibkaasi loo xaliyo, waxaanu dadaal u galay in nidaamka Maaliyadda dalka la hagaajiyo, waxaannu bilawnay in la kiciyo cashuuraadkii berriga, Wasaaradda Maaliyaddu waxay in mudo ah ku mashquulsanayd sidii loo gaarsiin lahaa Xafiisyada wasaaradda meelaha ka fog laamiga, waxaa lagu guuleystay in laga furo Xafiisyadii Cashuuraha  Gobolada Gardafuu, Haylaan iyo Sanaag, dhamaan Xafiisyadaas way shaqeeyeen waxaana ka soo xerooda Dakhli heer degmo ilaa dawladda dhexe, waxaanu oran karaaa waa talaabo horay loo qaaday.

Dawladdu  waxay dadaal dheer u gashay haddana ugu jirtaa sidii loo heli lahaa suuq  loo iib-geeyo badeecadaha Puntland, nasiib wanaag waxaa dhowaan  la bilaabay Dhismihii Kastomka Tuurdibi ee u dhexeeya Puntland iyo Ethiopia  lana furay Xafiisyadii lagu shaqayn lahaa taasoo aanu  ku rajo weynahay in Ganacsatadeenu ay heli doonaan fursad ay badeecadahooda ugu iibgeeyaan Dalka Ethopia, hirgelinta kastamkani waxay wax badan ka bedelaysaa dhaqaalaha wadanka isla markaana waxay abuuraysaa koboc dhaqaale iyo fursado shaqo oo ay ka faa’iidaan labada shacab ee walaalaha ah.

Arrimaha Bankiga Aduunka:,

Mudaneyaal iyo marwooyin, Sida aad la socotaan dawladdu waxay xil weyn iska saartay sidii looga miro dhalin lahaa Mashaariicda ugu balaaran ee Bankiga aduunka la wadaan Dawladda Puntland, waxayna hadda Mashaariicdaas maraysaa heer gabagabo ah, waxaa ka mid ah, xoojinta kartida shaqo ee hey’adaha dawladda, hagaajinta maamulka dhaqaalaha wadanka iyo bixinta kabka shaqaalaha dawladda (Capacity Injection, PFM and Recurrent Costs RCRF).  waxaa ka faa’iideysanaya barnaamijkan hey’adaha Dawladda sida Wasaaradda Maaliyadda, Bankiga dhexe, Hey’adda shaqaalaha rayidka ah, Madaxtooyada, Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha, Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Waxbarashada, Wasaaradda Caafimaadka, Hanti-dhawrka Guud iyo Xisaabiyaha Guud ee Dawladda.

Sidoo kale waxaanu dib u hawlgelinay Hey’adda qandaraas bixinta Dawladda, Xafiiskaas oo horay u ahaa fadhiid shaqadiisuna ay tahay mid muhiim u ah nidaamka Dawladdnimada iyo kor u qaadista dhakhliga iyo reebista musuqa, haddaba si loo dhaqaaleeyo hantida ummadda loona cadaalad sameeyo qandaraas qaatayaasha, waxay Hey’addani diiwaangelisay 109 qandaraas qaate waxayna fulisay  mashaariic dhan 115 qandaraas oo loo tartamay  oo isugu jira dhismayaal, badeecooyin iyo adeegyo kala duwan.

Kaabeyaasha Dhaqaalaha: Mudaneyaal, Hagaajinta kaabayaasha dhaqaaluhu waa baahida koowaad ee dalkeenu qabo, waxaannu ku rajo weyn nahay in sanadka dhamaadkiisa iyo sanadka 2016 dhexdiisa dalku gaadho horumar dhinaca kaabeyaasha dhaqalaha ah, waxaa shaqo muuqata laga qabtay qaarkoodna gacanta lagu hayaa dhismeyaasha wadooyin cusub iyo dayactirka kuwii horey u jiray, waxaa dhowaan la daahfuray dhismaha iyo dib u hagaajinta wadada laamiga ah ee isku xirta Garoowe iyo Galkacayo oo dhan 226KM, waxayna shaqadeedu bilaabanaysaa bisha July 2015, taasoo dhaqaalaha ku baxaya ay bixiyeen midawga yurub, waxaa la dhisay wadada Wadaagsin  Gaalkacayo—Garacad, sidoo kale waxaa la dhisay oo meel gabogabo ah maraysa wadada Galkacayo—Galdogob, waxaanu dhowaan dhagax dhignay Wado laamiya oo isku xirta Ceerigaabo – Ceeldaahir oo dhan 220Km, qaaraankii dhaqaaliha lagu hawgeli lahaa waxaa laga ansixiyey Goleyaasha dawladda.Waxaa qiimeyn lagu sameeyey wadada lafa-goray iyo dhabaaqo ee gobolka Gardafuu, waxaan rajeynayaa wax ka qabashadeeda in dhawaan loo hawlgalo.

Garoomada: waxaa dib u eegis iyo isu dheelitir lagu sameeyey khidmadaha laga qaado diyaaradaha isticmaala Garoomada Puntland si kor loogu qaado dakhliga dawladda,Waxaa lagu guda jiraa dhismaha Garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Bosaaaso kaasoo dhererkiisu dhan yahay 3.4 Km, waxaa dhismaha wajiga koowaad ee qaybta runway’ga la dhamaystirayaa bisha December ee sanadkan, iyadoo wajiga labaad noqon doono casriyeynta adeega garoonka, mudaneyaal waxaa 15 january 2015  la xayeysiiyey bixintii qandaraaska dhismaha Garoonka diyaaraha ee Garoowe, dhowaanna waxaa lagu dhawaaqayaa shirkaddii ku guulaysatay dhismaha garoonka Garowe.

Garoonka Gaalkacayo waxaa laga hirgeliyey terminal cusub, waxaa kaloo la furay dayactirna lagu sameeyey Garoonka diyaaradaha Qardho, waxaana laga hirgeliyey xafiiskii socdaalka, sidoo kale waxaa dayactir lagu sameeyey garoomada degmooyinka laamiga ka fog, waxaannu ku rajo weynahay in  sanadka 2016’ka Puntland ka gudubto baahida dhinaca  socdaalka Cirka, sidoo kale waxaanu dadaal dheer u galay in la balaadhiyo dekedda Bosaaso oo ah isha dakhliga ee ugu muhiimsan dalka , waxaanu heshiis la galay  shirkad  dhismaha iyo balaarinta dekedda wax ka qaban doonta, heshiiskaas dhowaan ayaa goleyaasha dawladda loo soo gudbinayaa haddii alle idmo.

Qaybaha wax soo saarka: Mudaneyaal iyo marwooyin, Dawladdu waxay shaqo muuqata ka qabatay dhinacyada hey’adaha wax soo saarka sida  Xanaanadaha Xoolaha, Kaluumaysiga,  Beeraha iyo dhawrista Deegaanka, waxaa dib u habayn buuxda lagu sameeyey habka shaqada dhammaan wasaaradahan, maadaama ay yihiin  ilaha khayraadka, Mudaneyaal iyo Marwooyin Xooluhu waa laf-dhabarta dhaqaalaha koowaad ee dalkeena, waxaanu gobolada dalka ku fidinay maamulka wasaaradda Xanaanada Xoolaha, waxaa la furay xafiisyadii loona magacaabay maamuleyaashii caafimaadka xoolaha iyo pharmacy’yadii 17 degmo oo u badan dhulka ka fog laamiga, waxaa ka hortag weyn iyo wacyigelin lagu sameeyey isticmaalka daawada dhacday, waxaa kor loo qaaday aqoonta xirfadleyaasha caafimaadka xoolaha, waxaana la hirgeliyey sheybaaro casri ah, taasoo fududeysay in Dawladdu si sahlan uga wajaabto baahiyaha kala duwan ee bulshada xoolo dhaqatada Puntland qabaan.

Kaluunka iyo kheyraadka badda: Mudaneyaal iyo marwooyin,kaluunka oo ah laf dhabarta labaad ee dhaqaalaha dalka, si looga faa’iidaysto waxaa lagu soo rogay lana hirgeliyey qaadashada laysamadii kaluumaysiga, waxaa la tiro koobay dhammaan kaluumaysatada iyo gaadiidkooda waxaana loo sameeyey diiwaangelinta casriga ah ee Biometrics iyadoo gaadiidka kaluunka la siiyey pilate number iyo ID card taasoo ka caawinaysa kaluumaysatadeenu hadday badda ku lumaan ama ay waxyeelo gaystaan ama loo gaysto in  si fudud loo aqoonsado, sidoo kale dawladdu waxay tababaro iyo wacyigelin u samaysay kaluumaysatada reer Puntland waxaana loo qaybiyey qalabkii iyo agabyada kaluumaysiga oo aan dhib u keenayn kaluunka.

Beeraha iyo Waraabka: Mudaneyaal iyo Marwooyin, Dawladdu waxay la dagaalantay fekerkii ahaa Puntland Beero ma leh midhana kama baxaan, waxaa Dowladdu  wacyigelin iyo kaanbayno ku samaysay dadka reer Puntland inay u leexdeen dhinaca wax soo saarka beeraha,  taasoo dad badani ku dhaqaaqeen beerashada miraha kala duwan, 1,500 (kun iyo shan boqol oo qof) ayaa waxaa la gaarsiiyey tababaro ku saabsan aqoonta beeraha oo ka faa’iideystay tababarkaas.

Deegaanka: Dawladdu waxay shaqo badan ka qabatay ilaalinta iyo dhawrista deegaanka iyadoo la soo saaray shuruuc iyo siyaasad lagu xakamaynayo waxyeelaynta deegaanka. Waxaa laga shaqeeyey in ka badan 100 goobood oo isugu jira dayactir boholo iyo biyo xireeno iyada oo la isticmaalayo habka lacag shaqo ku bedesho (cash for work) iyo cunto shaqo ku bedelasho (food for work) oo ay ka faa’iideysteen qoysas badan oo reer puntland ah.

Dhanka kale Dawladdu waxay hirgelisay toban ceel biyood oo laga qoday lix gobol oo kala ah Sool, Mudug, Nugaal, Karkaar, Bari iyo Highland, waxaa la dayactiray 17 ceel sidoo kale waxaa la sahamiyey 25 goobood oo laga qodayo ceelasha dhaadheer.

Arrimaha Bulshada: Dawladdu waxay xooga saartay wax ka qabashada arrimaha bulshada sida Waxbarashada caafimaadka, arrimaha haweenka iyo qoyska, isboortiga shaqada iyo shaqalaha,

Waxbarashada: waxaa la qabtay shir weyne heer qaran ah oo dib u eegis lagu sameeyey qaybaha waxbarashada iyo tayada tacliinta Puntland  kaasoo laga soo saaray qorshe sanadeed, waxaa la dhameeyey qaab dhismeedka manhajka (Puntland curriculum framework), waxaa la dhameeyey siyaasadihii tacliinta sare iyo tababaridda macalimiinta dalka, Waxaa la dhamaystiray tabarada macaliimta iyadoo dhanka kale  loo furay 33 gabdhood tababar macaliminimo muddo labo sanno ah pre-service, waxaa la diyaariyey habka xogta maamulka waxbarashada dalka oo lagu daray tacliinta hoose, dhexe iyo sare,

Dowladdu Waxay tixgelin gooni ah siisey horumarinta Waxbarashada gabdhaha iyadoo fiiga Waxbarashada laga bixiyo gabadho gaarayaa 145 gabdhood oo isugu jira heerka hoose, dhexe iyo Jaamacad, waxaa kormeer lagu sameeyey  iskuulaad gaaraya  98 Dugsi oo ka kala tirsan Gobolada Sool, Sanaag, Haylaan iyo Nugaal, waxaa la dejiyey imtixaanaadka shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare iyo kuwa dhexe dalka oo dhan.

Caafimaadka, Dawladdu waxay xooga saartay Baahinta adeegyada caafimaadka asaasiga ah ee deegaanada dalka, adeegaas oo daboolaya bixinta agabka nafaqada, talaal dhamaystiran oo joogta ah, bixinta daawo taye leh, Dawladdu waxay samaysay ururka dhaqaatiirta sanadkan horaantiisa, waxayna dawladdu hirgelisay sharciga xirfadlayaasha caafimaadka iyo goobaha gaarka loo leeyahay, si loo xoojiyo isku xirka adeegyada caafimaadka waxay Dowladdu gaarsiiyey Gawaari Ambullance ah Degmooyinka  ka fog laamiga oo kala ah Xaafuun, Bandar-beyla, Baargaal iyo Degmada Buuhoodle.

Dawladdu waxay adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah ka hirgelisay Magaalooyinka Garowe, Boosaaso, Qardho iyo Gaalkacyo taasoo lagu caawinayo hooyooyinka waqtiga dhalmada, waxaa qalab Cisbitaal oo casri ah la gaarsiiyey Degmooyinka Baran iyo Goldogob, waxaa sidoo kale Gobolka Sool laga hirgeliyey adeegyada caafimaadka guur-guura oo loogu talagalay dadka reer guuraaga ah, qeybta koowaad waxaa ka faa’iideystay 1,700 qof, halka qeybta labaadna ay ka faa’iideysteen 1,800 qof.

Dib u habaynta shaqaalaha Dawladda: waxay hirgelisay tirakoob iyo diiwaangelin shaqaale oo dhab ah oo aan horay u dhicin waxayna sameysay aqoonsi shaqaale oo dhan 2,253 qof, waxaa sifo sharci ah ku baxay 439 qof oo maqnaansho iyo ruqso isugu jira iyadoo la soo gaba gabayn doono dhowaan wejiga labaad ee tirakoobka shaqaalaha, , Dawladdu waxay khidmad ku soo rogtay shaqaalaha ajinebiga ah ee laga keeno dalka dibadiisa taasoo looga gol leeyahay kobac dhaqaale, waxay kaloo Dawladdu go’aamisay in shaqo qof  Puntlander ahi qaban karo aan loo qaadan karin qof  ajinebi ah, nidaamka habka shaqaalaynta Dawladduna waa tartan furan (merit base).

Cadaalada iyo Arrimaha diinta: waxaa la sameeyey xog uruurintii dib u habaynta nidaamka cadaaladda dalka (justice reform), waxaa la dhisay xafiiska xuquuqul insaanka Puntland, waxaa la dhisay guryo xarumaha garsoor dhaqameedka xalinta khilaafaadka degmooyinka kala ah Garowe, Burtinle, Bosaso iyo Dhahar, waxaa la xoojiyey wada shaqaynta culuumadda diinta iyo dawladda iyo raacista manhajka toosan, Waxaa Dawladdu wacyigelin balaaran oo ku saabsan fidinta iyo barista dadka adeega iyo helista cadaaladda suuban.

Baahinta Maamulka Degmooyinka iyo Gobolada:- Mudaneyaal iyo marwooyin, anagoo fulinayna qodob dastuuri ah,  waxna ka qabanayna baahida arrimaha bulshada ee dhinaca maamulka  Gobolada iyo Degmooyinka, waxaanu dhisnay Goleyaasha Degmooyinka  oo dhan 16 degmo, waxay kaloo Dawladdu hirgelisay wadooyin laami ah oo dhan 9 laami oo laga hirgeliyey Degmooyinka kala ah Garowe, Boosaaso, Qardho iyo Gaalkacayo.

Dib u heshiisiinta: Dawladdu waxay soo afjartay khilaaf beeleedyo soo noqnoqday oo ka jiray Beelaha Gobolka Karkaar qaarkood, waxaa arrimahaas laga gaaray xal wanaagsan, dhanka kale Dawladdu waxay dadka reer Puntland u fidisay Gogol wadatashiya, si loo turxaan bixiyo tabashooyinka ku saabsan arrimaha siyaasadda iyo maamulka, waxaanu dhowaan magacawnay guddiga qaban-qaabada  shirka  wadatashiga.

Federaalism’ka Soomaaliya:

Soomaaliya waxay ku heshiisay nidaamka federalism’ka, dastuurka ku meel gaarku  wuxuu qeexayaa qaabka iyo sida uu federalism-ku uga hirgeli karo Soomaaliya, Puntlandna waa aabihii iyo hooyadii federaalka Soomaaliya, waxayna mar walba ku haminaysay Soomaaliya oo mid ah, kuna midowday habka Federalka ah, haddii qaabka federalismka hadda loo wadaa uu noqdo mid ka hor imaanaya shuruucda dalka, dhibna u gaysanaya maamuladii jiray, waxaa imaanaysa in dib u eegis lagu sameeyo wax kasta oo lagu heshiiyey, Dawladda Puntland waxay ka digaysa in lagu xadgudbo dastuurka iyo qawaaniinta dalka lagana fogaado wax kasta oo carqaladeynaya nidaamka horumarka dawladnimada Soomaaliya.

Xiriirka Puntland iyo Beesha Caalamka:

Dawladda Puntland waxay meel wanaagsan gaadhsiisay xiriirka ay la leedahay beesha caalamka iyo  Dawladaha deriska Soomaaliya, waxaa dib loo habeeyey  Nidaamka xogta iyo maaraynta deeqaha caalamiga ah, waxaa la sameeyey   xeerkii lagu dhaqi lahaa Ururada aan dawliga ahayn kuwa maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah, waxaa si wanaagsan loo qaabeeyey habka dalabka mashaariicda New Dealka taasoo dawladda Puntland u marayso dalabka mashaariicda qorsheheeda shanta sanno, Dawladdani waxay kor u qaaday xiriirk iyo wada shaqaynta ay la leedahay Beesha Caalamka iyo maalgashadeyaasha, iyadoo Dawladda puntland siyaasadeeda dibada saldhig uga dhigtay wax wada qabsi xor ah oo isu dheeli tiran.

Dawladani waxay leedahay qorshe sanadeed cad oo ay ku qeexan yihiin dhammaan himilooyinka la hiigsanayo kaasoo dib u eegis lagu sameeyo sanadka walba dhamaadkiisa bisha December 27’keeda, wixii qabsoomay, waxaan qabsoomin iyo sababaha ay u qabsoomi waayeen taasoo ka dhacda meel fagaare ah oo saxaafadu goobjoog ka tahay si toosa loogala socdo (la xisaabtanka hay’adaha dawladda ).

 

Mudaneyaal iyo marwooyin, Waxaa hubaal ah in mashaariic badan oo ku saabsan  horumarinta  arrimaha bulshda,  kaabeyaasha dhaqaalaha iyo hagaajinta qaabaynta hey’adaha dawladda la qabtay lana dhameystirayo kuwa qabyada ah,

 

Guntii iyo gabagabadii:

 

Mudaneyaal iyo marwooyin.

 

Waxaan kalsooni ku qabaa in Golaha Wakiiladu ka jiba keeni doono arrimaha kalfadhiga horyaala, waxaan shaki ku jirin inay ka soo bixi doonaan go’aamo lagu dardargeliyo taaba gelinta barnaamijyada horumarinta dalka iyo xaqiijinta himilooyinka bulshado hiigsanayso muddada dhow/dhexe iyo mudada fog, Mudaneyaal waxaan idinka mahadcelinayaa dhagaysigiina wanaagsan.

Ugu danbeyn waxaan ku dhawaaqaya in kalfadhigii 35-aad ee Golaha Wakiilada Dawladda Puntland si rasmiya u furan yahay.

Guul wacan

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

DAAWO SAWIRADDA:

IMG_8898 IMG_8905 IMG_8940 IMG_8946 IMG_8954 IMG_8956 IMG_8959 IMG_8967 IMG_8972 IMG_8979 IMG_8981 IMG_8984 IMG_8989 IMG_9007 IMG_9008 IMG_9009 IMG_9018 IMG_9022 IMG_9033 IMG_9039 IMG_9040 IMG_9045 IMG_9053 IMG_9056 IMG_9066 IMG_9067 IMG_9069 IMG_9086 IMG_9088 IMG_9098 IMG_9104 IMG_9107 IMG_9111 IMG_9116 IMG_9120 IMG_9132 IMG_9140 IMG_9142 IMG_9155 IMG_9164 IMG_9165 IMG_9170 IMG_9186 IMG_9192 IMG_9209 IMG_9213 IMG_9216 IMG_9225 IMG_9228 IMG_9234 IMG_9238