Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli
Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 27-4-2015 booqday
xafiisyada Hay’adaha UNICEF iyo UNSOM ee magaalada Garoowe ee
caasimadda Dawladda Puntland.

Ugu horeyn Madaxweyne Gaas ayaa xafiiska hay’adda UNICEF ku booqday
maamulka iyo howlwadeenada hay’adda , isagoona u muujiyey dareenka uu
ka qabo qaraxii dhowaan lala eegtay gaari ay saarnaayeen shaqaalaha
hay’addaasi.

Madaxweynaha ayaa dhammaan madaxda iyo howlwadeenada hay’addaasi u
sheegay in xukuumadda uu hoggaaminayo ay ka go’antahay adkeynta
ammaankooda , haatana meel fiican ay marayso baaritaanka dawladdu ay
ku hayso weererkaii argagaxisnimo ee ka dhacay Garoowe.

Mrs. Mariana Hattinge  oo ah wakiilka Hay’adda UNICEF ee Puntland ayaa
cadaysay inay sii wadayaan howlaha muhiim ka ah ee ay u hayaan
shacabka reer Puntland , iyadoona balan qaaday inay sii laba
jibaarayaan howlahaasi, wax saameyn ahna uusan ku yeelan doonin falkii Lagu Beegsaday shaqaalahooda.

Madaxweyne Gaas ayaa sidookale booqday xarunta hay’adda UNSOM, waxaana
uu halkaasi kula kulmay Madaxa hay’adda UNSOM ee Puntland Omar Abuudi
iyo sidookale  howlwadeenada hay’addaasi si lamid ah ayuuna ugu
cadeeyey in adkeynta amaankoodu dawladdu xil gaar ah iska saarayso.

Wakiilka hay’adda UNSOM ee Puntland Omar Abuudi ayaa Madaxweynaha uga
mahadceliyey booqashada uu ugu yimi , waxaana uu balan qaaday in
shaqooyinka ay u hayaan shacabka reer Puntland sii wadi doonaan
islamar’ahaantaana loo hakanayn fal argagixisnimo.

Daawo Sawiradda:

IMG_7650 IMG_7824 IMG_7817 IMG_7816 IMG_7813 IMG_7811 IMG_7809 IMG_7807 IMG_7802 IMG_7800 IMG_7799 IMG_7796 IMG_7795 IMG_7794 IMG_7793 IMG_7792 IMG_7791 IMG_7785 IMG_7784 IMG_7782 IMG_7775 IMG_7770 IMG_7769 IMG_7768 IMG_7752 IMG_7744 IMG_7742 IMG_7740 IMG_7737 IMG_7734 IMG_7733 IMG_7732 IMG_7731 IMG_7725 IMG_7716 IMG_7710 IMG_7709 IMG_7708 IMG_7707 IMG_7706 IMG_7705 IMG_7699 IMG_7697 IMG_7691 IMG_7690 IMG_7689 IMG_7687 IMG_7682 IMG_7681 IMG_7679 IMG_7677 IMG_7675_1 IMG_7675 IMG_7673 IMG_7672 IMG_7671 IMG_7670 IMG_7669 IMG_7668 IMG_7666 IMG_7664 IMG_7663 IMG_7662 IMG_7661 IMG_7660 IMG_7659