Raiisul wasaaraha DKMG ee Soomaaliya C/wali Maxamed Cali oo ku sugan Magaalada Addisababa ee wadanka Ethiopia ayaa wariyaasha u sheegay inay uu baaq codsi ah u dirayo Hayadaha samafalka ee ka howlgala Dalka inay sii joogaan xilli qarax xoogan uu ku dilay muqdisho dad kabadan 70 qof oo u badan arday iyadoo sidoo kalena ay soo baxayso Hanjabaad hor leh oo ka soo yeereysa Xarakada alshabaab.

Raiisul wasaare C/wali ayaa ka dalbaday dalalka Deeqaha Bixiya inaysan dhimin taageerada ay siinayaan Dadka soomaalida waxaana uu balan qaaday inay Dowlad ahaan adkeyn doonan Amaanka Kooxaha Deeq bixiyaasha raiisul wasaaraha ayaa hadalka bixiyay xilli uu ka jawaabayay inay dowladu ka cabsi qabto inay hayaduhu ka baxaan Dalka ka dib hanjabaada Alshabaab.

Raiiusl wasaare C/wali Maxamed Cali mar la weydiiyay in Weerarka alshabaab ay ku qaadeen Xarumahooda ay muujineyso Dabacsanaan Dhinaca amaanka Dowlada Soomaaliya waxaa kuu jawaabay

“Xaqiiqdii tani kuma tusineyso awood dariada DKMG tani waxay ku tusineysaa Awood darida Alshabaab waxay ku jabeen Dagaalka Qalaalase gelinta dadka iyo dilka dadka rayidka mahan awood darida DKMG waxay ku tuseysaa Awood la’aanta Xarakada alshabaab waxay ku tusineysa inya qorshe gaar ah leeyihiin oo aan xajmi badan ku fadhiyin qiimeyna kuma laha dhinaca xuquuqda aadanaha, Ciidamada qaranka DKMG ee Soomaaliya iyo laamaha Amaanka DKMG waxay u shaqeyn doonan si adag tani waxay noo sameyneysaa inaan isku nimaano oo aan midowno kana hortagno qalalaasahaas.”

Hadalka Raiisul wasaaraha uu ka jeediyay kulan uu kaga qeybgalayay Magaalada Addisababa ee wadanka Ethiopia waxaa uu si adag ugu nuxnuuxsaday Qorshaha Dowlada Soomaaliya ee ku aadan xaqiijinta Amaanka Caasimada iyo guud ahaanba Dalka isaga oo hadlaya qorshayaasha DKMG waxaa uu yiri

“Xaqiiqdii Waxaanu leeyahay Qorshe cad oo iyo qorshe Amaanka Qaran mana ahan mid ku kooban muqdisho oo keliya waa guud ahaanba wadanka oo dhan tani waxay qeyb ka tahay Heshiiska Dhabaha nabada ee aan isku afgaranay Bil ka hor tani waxay nasiineyaa qorshe muuqda oo aan dalka kaga cayrin karino kooxaha Xagjirka ah maxaa yeelay Meelna kuma laha Dadkeena sidaa darted waxaan u baahanay in caalamka aynala arkaan tani mahan dhibaato soomaalida keliya haysata mana ahan dhibaato Gobolka keliya haysta waa dhibaato Caalamka oo dhan haysata waa inaynu taas fahanaa.”

Ma jiro wax war ah oo docdoo ka soo baxay xarakada Mujaahidiinta Alshabaab oo ku aadan hadaladan ka soo yeeray raiisul wasaraaha DKMG ee C/wali Maxamed Cali gaas.

Hadalkan carada Xambaarsan ee raiisul wasaaraha waxaa uu jawaab u ahaa War ay soo saareen Xarakada oo laga siidayay idaacad afkooda ku hadasha oo ku taala muqdisho taasi oo ay ku sheegeen inay wadi doonaan weerada Iyo qaraxyada.

Maxamed Deeq Cabdalla 
mdeeq@allsbc.com
SBC International Monitoring