Baabuurka gaarka ah ee Madaxweyne Barack Obama ku safarayey ee qaaliga ah ee lagu naaneyso ‘the beast’ ayey maanta fadeexadi ka soo gaartey galitaanka safaarada Mareykanku uu ku leeyahay magaalada Dublin ee caasimada Jamhuuriyada Ireland. Baabuurka madaxweynaha oo ah nooc si gaar ah loo sameeyey waxaa qaybta hoose ay qabsatey biraha ganjeelooyinka albaabada lagu xiro, isagoo dhinacana u dhaqaaqi waayey.
baabuurka Madaxweyne Obama oo lala tacaalayo

Lama oga in uu saarnaa gaariga Madaxweyne Obama gaariga iyo in kale maadaama kooxaha amaanka ay gabi ahaanba ay xireen halkii laga arki lahaa.

Daawo gaariga Madaxweyne Obama oo albaab galid la rafanaya
Boqolaal qof oo isagu soo baxay kadinka hore ee safaarada oo doonayey inay madaxweynaha kor ka salaamaan ayaa sheekadaasi xiiso iyo qosol ku reebtey, iyadoo dadkaasi ay qosol iyo dhawaaq qaylo ah isku dareen.

Waxyaabaha la yaabka leh ee gaarigan uu leeyahay.

 Baabuurku wuxuu ku fadhiyaa qiimo gaaraya 1 milyan oo doolar, taayarada waxaa ku rakiban qalab loogu tala galay in hadii ay wax ku dhacaan ama qarxaan ama la dalooliyo uu ku baxsan karo gaarigu, wuxuu leeyahay telefoon Satellite ah oo toos ugu xiran aqalka Cad (White house) iyo waaxda gaashaandhiga (The Pentagon).

Gaariga waxaa ku rakiban kaamirooyinka loo yaqaan night vision oo suurtagal ay u tahay in ku socdo meel mugdi ah oo aan wax nal aanu ka jirin, isagoon shidan layrarka ku xiran gaariga.Wuxuu leeyahay qalab loogu tala galay inay iska caabiyaan in uu gubto & bam lagu tuuro, waxaa ku rakiban qalab dhanka caafimaadka ah oo waliba dhiig hadii uu u baahdo madaxweynaha in lagu shubo meel kale aan laga dooneyn, iyadoo uu leeyahay tuulka gargaarka deg degd eg ah.

Baaburku waxaa ku rakiban sunta dadka ilmada ka keenta, (Tear Gas), waxaa kale uu qafiskiisu ka sameysan yahay aalad hadii si toos ah loo hirdiyo aanu waxba diismeyn ama buusmeyn qafiska gaariga ama body-ga.

Kursiga dambe oo afarta qof qaada wuxuu leeyhaay botom hoos iyo kor u kici karaya waxaana haysta remote-ka Madaxweyne Obama oo kaliya.

Qaybta shufeerka ama darawalka gaariga waxay leedahay qalab xadiid ama bir ka sameysan oo xabadu karin, isla markaana albaabada waxay le’egyahay balaar ahaan daaqada Pilot diyaaraeed (cabin door) diyaaradeed gaar ahaan diyaarada 757 ah.

Waxaa sidoo kale gaariga ku rakiban qalab loogu tala galay in hadii dab ka kaco uu is damin karo, iyadoo uu leeyahay oxygen u gaar ah oo loo adeegsado hadii ay timaado xaalad deg deg ah. Muraayadaha gaariga waa kuwa iska celin kara xabada ama bambooyinka, muraayadaha daaqaduhu waxay furmaan oo kaliya 3 inchi oo loogu tala galay in darawalku (shufeerku) kala hadlo ciidamada amaanka & kuwa sirdoonka ee dhinac ordayaya.

Darawalka gaariga wuxuu ka tirsan yahay ciidamada khaaska ah ee sirdoonka, waxanaa la sheegay in uu haysto tababarka ugu sareeye ee shufeer ama darawal leeyahay isla markaana uu ka bixi karo xaalad kasta oo deg deg ah. Garaangirta ama Isteerada baaburka laga kaxeeyo waxaa ku rakiban qalanka GPS (Global Position System) kaasi oo lagala socon karo aqalka cad jiiro kasta ama socod kasta oo uu gaarigu sameyo.

Intaasi oo kaliya kuma koobna madaxweyne Obama sugitaankiisa dhanka waxaa gaarigiisa hareeraha ka socon doono 20 baabuur iyo mootooyin ama dhugdhugley ay wataan ciidamada Booliiska & kuwa kale ee amaanka.

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliidsons@gmail.com