Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo ka mid ah siyaasiyiinta Puntland isla markaana xilal madaxweyne kuxigeenka iyo wasiirka Maaliyada ka soo qabtey xukuumadihii Puntland soo marey ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtey magaalada Gaalkacyo wuxuu kaga hadley arimo fara badan oo la xiriria, amaanka, siyaasada, dhaqaalaha & aragtidiisa siyaasadeed ee waqtiga kala guurka Puntland.

Gaagaab ayaa ugu horeyn muujiyey inuu si weyn uga cudurdaaranayo in hadalada uu jeedinayo aan loo qaadan mucaaradad balse uu uga dan leeyahay waa sida hadalka uu u dhigay’e kuwa sixitaan iyo toosin ah iyo waliba wixii Puntland ka qaloocan ee ay masuuliyiinteedu ka qaloociyeen in laga saxo, waxaase inta badan ka muuqatey hadalkiisa in uu si ba’an u dhaliilsan yahay siyaasada Madaxweynaha Puntland uuna difaacayo hawlihii xukuumadii ugu dambeeyey ee isagu uu ka ahaa wasiirka maaliyada ee uu madaxweynaha ka ahaa General Cade Muuse.

“Ugu horeyntii madaxweynaha & gudoomiyaha Baarlamanka & Gudoomiyaha gudiga doorashada waxay isku mar ku dhaqaaeen in bisha April 15-keeda dastuurka KMG ah ee hada la haysto in afti loo qaadi doono, aftidaasina ay qaadi doonaan dad dhan 480 oo ay iyagu ku sheegeen inay wakiil ka noqon doonaan dadweynaha Puntland, Arintaa iyada ah waxan qabaa inay sharci daro tahay, 480 qof ayan meteli karin wakiilna ka noqon Karin codka qof kasta oo reer Puntland ah uu leeyahay” ayuu hadalkiisa ku bilaabay Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab.

“Waxan ku tilmaameynaa inay sharci daro tahay, Dastuur ay ansixiyaanna uusan sharci noqoneynin, sax noqoneynin, sida ay sheegayaan iyagu (maamulka), oo ay leeyihiin process (qorshe) dimuqraadiyadeed baa lagu gaarayaa asxaab baa la aasaasi doonnaa ka dib marka 48-kaasi ay ansixiyaan sida ay sheegeen dastuurkaas, waxaan u aragnaa inay tahay marmarsiiyo” ayuu  yiri Gaagaab oo sheegay in uu isagu aaminsan yahay in laga gudbo nidaamka qabaliga ah ee mudada 13-ka sano ah iyo ka badan ay ku soo dhaqmaysay Puntland, hase yeeshee loo baahan yahay sida uu sheegay “Dariiq sax ah oo sharci ah” in loo maro dadweynuhu dastuur ay codkooda ku dhiibtaan oo afti looga qaaday inay ay process-kaasi (qorshahaasi) ama talaabooyinaasi ku gaaraan.

Yaa matali kara dadka Puntland oo gaagaab uu aaminsan yahay

“Dalka waxaa ka jira laba qolo oo lakala yiraahdo sawtu xambaar oo dadweynaha codkooda matali kara cid kale oo sadexaad oo matali kartaa ma jirto markii ay timaado afti & codkooda, waxa weeyaan Issimada & nabadoonnada oo iyagu xambaarsan codkii dadweynaha reer Puntland oo la doortey ah, kuwaa kaliya ayaa ansixin kara dadkana wakiil ka noqon kara laakiin 480 qof oo xukuumadu soo xulatey oo sadex wasaaradood soo xuleen sida xeerka gudiga doorashada uu soo saarey ku qoran sharci noqon mahayo waxay ansixiyeen” ayuu ku nuuxnuuxsadey Gaagaab.

Dastuurka cusub & xilka golayaasha dawlada

“Waxaa ka sii daran dastuurka la rabo in la ansixiyo ujeedadiisu ma ahan in la ansixiyo ee ujeedada kaliya ee ka dambeysa waxa weeye in warqada ku lifaaqan oo tilmaamaysa xilka golayaasha dawlada waa shan sano oo “been ah” ayaa lagu lifaaqay si 480-kaasi ayay gacanta u taagaan hadhowna la yiraahdo dadweynihii baa noo ansixiyey, shirweyne 480 qofna waa noo ansixiyey waana qiyaano gudigu doorashadu haduu ogyahay iyo hadii kaleba arintaasi waa arin qiyaano ah hadey iyagu sameeyaanna hada waa qayaano umadeed hadii cid kale ugu dhajisayna hadee in sharciga la horgeeyo bay u baahan tahay” ayuu sii raaciyey hadalkiisa Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab.

Mudada madaxweynaha

“Qodobka labaad ee aan rabaa inaan ka hadlo waxa weeye madaxweynuhu wuxuu sheegay in xilka loo doortey shan sanadood, waana waxkama jiraan arintaasi wuxuu ku dooday madaxweynuhu  5 sano baa la ii doortey xukuumadii horaanna diyaarisay, Waxyaabaha qaarkood in laga xishoodo ayaa wanaagsan, madaxweynuhu arin intaasi le’eg in uu dadweynaha hortaada ka qirto waa wax aan wanaagsaneyn, hadey shan sano tahay annagaba waa joogi lahayn oo shanta sano waan ku joogi laheyn, qodobka dastuurkii hore lagu dhaqmi jirey oo 2001-dii si KMG ah golaha wakiiladu u ansixiyeen qodobkiisa 54-aad  farqadiisa 16-aad ayaa cadeynaysa madaxweynaha xilkiisu in afar sano yahay” ayuu yiri Gaagaab.

“Mudada madaxweynuhu xilka hayn karo waa afar sano waxaana loo dooran karaa laba jeer oo kaliya ayaa qodobkasi leeyahay, afartaasi sano baa loo dhaarshey, cadeymihii oo isagu leeyahay dhaartiisa uu leeyahay xilka afarta sano la ii doortey cadaalad ayaan ku xukumi donnaa waa codkiisii idaacadahana waa laga sii deyn doonaa waana la heli donna”.

“Arintaa iyada ah ee madaxweynuhu sheegay ee shanta sano ah waa waxkama jiraan,  sharci daro waa waraaqda qiyaamada ah ee lagu lifaaqay dastuurka KMG ah sida aan sheegay, dastuurka aan sheegay baana lagu doortey, dastuurka uu hada xiganahayo oo uu leeyahay shan sano waxa weeyaan waxaa la sameeyey hal sano ka dib ayuu madaxweynuhu digreeto ku xiray in loogu sii dhaqmo si kumeel gaar ah, baarlamaankuna ku ansixiyey ku meel gaarnimo, hal sano ka dib dastuur la ansixiyey markii la qoray lama xigan karo, xilnna ma siyaadin karo,sharciganna sidiisaba dib looma celin karo, wixii shaley dhacay, bishii hore dhacay wixii maanta la qoray oo sharcigii maanta soo baxa laguma dabiqi karo, dibna looma celin karo sharci maalintii la ogalaadey la isku raacay oo digreetadu ku soo baxdey wixii ka dambeeya ayuu jiri karaa, laakiin dib looma celin karo sharciga waa arin sharci ah waa arin aduunka oo dhan laga yaqaan, arintaa iyaduna waa sharci daro” ayuu yiri Gaagaab.

“Waxaanu qabnaa oo dadweynaha reer Puntland uu qabaa oo mudaharaadyadii Qardho shaleyto ka dhacay ay qabaan  maalin inaan lagu dari karin, lagumana dari karo lamana sameyn karo hadii kaleeto madaxweynuhu wuxuu garaacayaa geedo badan oo halaq ku jiro ayuu garaacayaa dhib baa ka dhici karta, xaalada Puntland oo iska liidata hadii fidno lagu abuurana hada masuuliyada iyo golihiisa ayaa iska leh”.

“Qodobka sadexaad oo aan rabaa inaan ka hadlo waxa weeyaan madaxweynuhu ilaa iyo maalintii la doortey khudbooyinkaa uu aqriyo ama uu ka hadlo wuxuu soo jeediyaa eedeyn & oraahyo aan ku fiicneyn ninka madaxweynaha ah in uu ku hadlo, wuxuu mar walba cambeeryn u soo jeediyaa xukuumadii horeeto oo isagu uu ka mid ahaa mar, oo ka dib markii uu xilka gudan waayey laga qaaday xilkii wasiirnimada, maalin walbaba cambaareyn iyo eedeyn buu u soo jeediyaa, waxyaalaha uu sheego waxaa uu yiraahdaa meesha waxba uguma imaanin, waxba ma jiraan, muxuu u joogay hadaan waxba jirin muxuu wasiirka u ahaa”.

“Wuxuu dhaxlay dawlad iyo kala dambeyn, wuxuu yiri habeenkii dhaweyd miisaaniyad uguma imaan, waa waxba kama jiraan arintaasi, miisaaniyad anigu wasiirka maaliyada ayaan ahaa miisaaniyad ayuu xilka kula wareegay 32 bilyan iyo dheeraad ayay aheyd bishii isagaa hakiyey si uu canshuurta u kordhiyo oo lacag badan u helo ayuu u hakiyey, miisaaniyada uu sameeyey sadex jibaar bay noqotey sanad walbana waxbaa lagu daraa maanta 97 bilyan ayay mareysaa arintaasina waxaa laga dhaxley oo dadweynuhu ka dhaxlay oo dalku ka dhaxlay inay ganacsatadii dhulka ka tagto Afrika, Jibuuti, & Jig Jiga oo hada furantey hada loo qaxo oo laga cararo canshuurta bil walba la kordhinayo, waxay dhaxashay mushaarooyinka uu leeyahay dad baan siiyaa hada mushaarka maxaa lagu cunayaa waxba ma goyso Kiisha sonkorta ah 26 doolar ayaan uga tagey, maantana waa 50 iyo dheeraad muxuu qofkii 100 doolar la siiyey ku cunayaa oo uu ku gadanayaa, waa canshuurta darteed wax lagu faano ma ahan”.

“Waxyaalaha kaleeto ee madaxweynuhu ku faanayo wuxuu iska ilaaway oo inuu sheego loo baahan yahay haduu waxqabad ku faanayo tarankii uu ku sameeyey Puntland waa tarmiyey Puntland, Khaatumo, Casyerland intaasuu ka dhigay, masuuliyadana isagaa leh marka in uu ku faano ayey aheyd iyadana oo uu yiraahdo dawlad kaliyaa aheyne sadex baan ka dhigay,” inaan ku faano ayay aheyd  ayuu yiri Maxamed Cali Yuusuf.

 Dhinaca kale wuxuu ka hadley  Gaagaab dhanka mashaariicda isagoo xusey in dhamaan mashaariicdii ay wadey xukuumadii Cadde ee uu wasiirka ka ahaa ay joojisay xukuumada hada jirta aan ka aheyn Mashruuca Shidaalka, wuxuu sheegay in dhameystirka Garoonka diyaaradaha Boosaaso in uu ka mid yahay mashaariicda aan waxba laga qaban ama la dhameystirin.

Shirka jaraa’id ee uu qabtey Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) link-ga hoose ka dhageyso HALKAN RIIX

SBC News Desk