Gaadiidleyda Muqdisho oo soo dhaweeyay Isbaaraqaadista Wadooyinka Magaaladaas

Banaanbax balaaran oo lagu taageerayay qaadista isbaatooyinkii yiilay qaarkood xaafadaha degmooyinka Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa isugu soo baxay gaadiidleyda ka shaqeysa gudaha magaaalada Muqdisho xarunta dalka .

Gaadiidleydaasi ayaa waxay muujiyeen sida ay ugu faraxsanyihin go’aank dowlada Federaalka Soomaaliya ay kaga qaaday wadooyinkii baada loogaga xaadijiray ee Muqdisho .

Boqolaal wadayaaal gaadiid gaar ahaan kuwa gaadiidka bulshada ayaa isu soobaxay iyadoo goob barxad ah ka jeediyay mahadbalaaran oo ay u jeedinayaan dowlada Soomaaliya iyagoona ku tilmaamay howlihii lagu qaaday isbaarooyinkaasi kuwo muhiimad balaaran u leh shacab iyo dowladba .

Dadweynaha Magaalada ayaa iyana dhankooda sheegay in ay arintani tahay mid soo dhaweyn mudan dowladuna ay u qaatay talaabadan sida ugu fiican ayna ku jirto danta dadka iyo dalkaba.

Maalmihi ugu dambeeyay ka dib markii ay soo shaac baxeen isbaarooyin dhexyaala gudaha degmooyinka magaalada Muqdisho ayaa dowladu waxay ku dhawaaqday qaasatan madaxweynaha in la qaado isbaarooyinkan taasi oo noqotay mid hirgasha oo ciidamada dowladu ay qaadeen tiro jidgooyooyin ah.

SBC International Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print