Gaasdiid leyda ka dhex shaqeysa Gobolada dhexe ee dalka Gaar ahaan inta u dhaxeysa magaalada Gaalkacyo xarunta gobolkaasi Mudug iyo degmada Bandiiradley ayaa cabasho ka muujiyay jid gooyooyin soo badanaya.

Wadayaasha gaadiidkaasi ayaa saxaafada u sheegay in jidgooyooyinkaasi oo ay dhiganayaan rag ku hubeysan qoryaha fud fududi ay ka qaadaan lacago sharci daro ah oo tiradeedu badantahay sida ay hadalka u dhigeen.

“Waxay ku dhowdahay in aan ku dhawaaqno Shaqo joojin ayna wadadu noqoto mid la xiranta jidgooyooyinkaas” ayuu yiri mid ka mid ah wadayaasha gaadiidka ku goosha inta u dhexeysa Bandiiradley iyo Gaalkacyo oo la hadlay xafiiska SBC ee Gaalkacyo.

Ilaa iyo iminka ma jiraan dhaq dhaqaaqyo arintaasi loogaga jawaabayo oo uu ku dhaqaaqay maamulka Galmudug oo deegaanadaasi ka arimiya, waxaana ay cabashootyinka gaadiidleydaasi ku soo beegmeyaan xili mudooyinkii ugu dambeyay khilaafaad dhanka siyaasada ah uu ka taagnaa maamulka Galmudug.