Waxaa maalini-nimaddii Arbacda Taarikhdu ku beegnayd 15/06/2011, lagu qabtey magaalada Helsinki, ee Caasimada Wadanka Finland koobka Helsinki-Cup oo ay ku baratamayeen  sanadkaan 10 kooxood, kuwaasoo ka kale yimid magaalooyin kale duwan oo ku yaalo dalka Finland.Koobkan ayaa waxaa soo agaasimay iskuna  soo dubariday Ururuka Somali Culture Sports, waxa uuna socon doona muddo todobaad ah

Ururkan oo ah mid had iyo jeer qabta sanadkasta Koobkan, ayaa sanadkan ka dhigaysa kii17-aad ee uu qabto, iyadoo Ciyaarahan loogu talo galay dhalinyarada Somaliyeed ee ku dhaqan wadankan Finland inay kaga faa,idaystaaan dhanka is dhexgalka iyo horumarka dhalinyarada

Gudoomiyaha Ururka Dhaqanka Iyo Sportska Mudane Axmed C/laahi Imad ayaa mar uu ka hadlayay Furitaaanka Koobkan waxaa kamid ahaa hadaladiisa, aad ayaan ugu faraxsanahay bilowga koobkan manta  waxa uu noqonayaa kii 17aad ee aan uqabano dhalinyarada somaaliyeed ee Finland waxaan halkan uga mahad-celinayaa dhamaan dhalinyarada kasoo qayb gashay koobkan iyo marti sharafta kala duwan.

Gudoomiye Axmed Imad ayaa wax uu la dardaarmay dhalinyarada halkan ciyaaruhu uga bilaaabmeen inay ilaaliyaaan anshaxa iyo kala danbaynta habdhaqanka inta ciyaaruhu socdaaan, taaso ay dani ugu wada jirto dhamaan dadka halkan isugu yimi maamul iyo ciyaartoyba.

Sidoo kale waxaa ka hadlay Xafladan furitaanka Mxamed Cali Yaanyo, oo horay usoo ahaan jiray Xoghaya Xiriirka ciyaaraha fudud ee soomaaliya, Mudane Yaanyo ayaaa isna u hanbalyeeyey dhamaan dadki ka soo qayb galay iyo Ururka soo agaaasimayba, kuna tilmaamay wax lagu farxo inay dhalinyarada soomaliyeed ee qurbaha ku nool isugu yimaadaaan meeel noocan oo kale ah, iyagoo waxbadan ka faa,iidaya  inta ciyaaarahani socdaaan.

Xafladan ayaa isna waxaaa ka hadlay Daahir Macalin oo horay isna   xilal kala duwan ka soo qabtay  Ururka Olympikada Soamaaliya, kuna booriyay Ciyaartoyda inay muujiyaaan ciyaar wanaaag, siloogu raaxaysto daaawashada ciyaaraha aad soo bandhigaysaan.

Guntii iyo gabagabadi xafladan furitaanka Helsinki-Cup oo uu soo agaasimo Ururka dhaqanka iyo Sportska ee Socus  aya waxaaa  lagu furay laba kooxood oo kakala socday Magaaladda caasimada ah ee Helsinki  iyo Degmada ku dhagan ee Vaanta kuwaaso kala ah Banaadir iyo R 3. waxaana najiidada ciyaartii ay wada ciyaareen ku soo idlaatay 1-0 oo  ku badiyay Kooxda R3.

Marti sharaftii iyo gudiga qabanqaabada ka mid ahaa Macallin bashiir oo ka mid ah odayasha isboortiga dalkan finland Maxamed yaanyo,Daahir,Cali Shariif, Maxamed Cabdi, Xabiib, Ina,Saciid Keysaney,Malaay ,Abaajibil,Cawale,Axmadey,Gudiga qabanqaabada Axmed Imad, Juujuule,C/fitaax,Mara,C/weli,Macalin Xasan,garsooruhuna waxuu ahaa garsoore somali ah Yusuf Maaweel.

DAAWO SAWIRADA

Maxamed Bashiir (Maxamed Info)
SBC Helsinki-Finland