Mid ka mid shirkadaha ugu caansan dhanka telefoonada gacanta (Mobile-Phones) ee saldheedu yahay wadanka Faransiiskan ayaa daaha ka qaaday funaanad qofka isagoo xiran uu ku buuxsan karo telefonkiisa gacana ama mobile-ka.

Funaanadan (T-Shirt) ayaa xabadka waxaa ugu xiran qalab ku shaqeynaya sawaxanka ka soo baxaya sameecadaha waa weyn ee ku xiran goobaha la isagu yimaado sida xafladaha ama dibadbaxyada.

Soo saarista funaanadan Mobile-ka batarigiisa lagu buuxinayo ayaa waxaa loogu tala galay dadka ka qayb gala xafladaha waa weyn ee ay ka shidan yihiin sameecadaha xambaara codka music-ga, iyadoo si gaar ah loogu tala galay dadka ka qayb galaya  xafladaha Live Music-ga oo inta badan marka ay dadku damcaan inay ku duubtaan heesaha ama music-ga mobile-kooda uu batarigu ka dhaco, laakiin hadii aad funaanadaasi aad gashan ama xiran tahay waxaa si toos ah isagoo mobile-ku kuu shidan yahay aad ugu xiran kartaa xariga ama waayarka charge-ka iyadoon wax dab ama koronto ah aanu kuu dhaweyn isla markaana sidaasi uu kuugu buuxsamayo mobile-kaagu.

Funaanadan oo laguu magac darey Orange Sound Charger ama Cod kaarikeeyaha Orange wuxuu ku soo aadayaa soo saaristeeda iyadoo dhawaan shaaca la qaaday in la hindisay mobile-ka qaylada qofka bini’aadamka lagu charge gareyn karo.
Tony Andrews, oo ka mid ah labada nin ee aliftey sameynta funaanadan ayaa wuxuu sheegay in qalabka ku xiran funaanada uu yahay mid ku shaqeynaya dhawaaqa music-ga gaar ahaan bass-ka taasi oo sawaxanka ama riinka bass-ka uu sameynayo awood dab sida korontada ah oo uu batarigu ku buuxsamayo.

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliidsons@gmail.com