Sheeq Fu’aad Maxamed Qalaf (Shongole)oo ka tirsan Saraakiisha wacyi-gelinta iyo kicinta u qaabishan xarakada Al-Shabaab oo shalay ka hadlayay masjid ku yaala Deegaanka loo barakacay ee Ceelasha biyaha isagoo aqrinayay kitaab lagu magacaabo SABIILUL-NAJAAD ayaa sheegay in loo bahan yahay inaan leysu dhiibin waxa uu uu yeeray cadawga.
 
“Shariif iyo Janaqow waxaan ku naqiin diin jaceyl waxa bedelayna manaqaano,waxay hadda wadaana birri ayaan ka nahay”ayuu yiri Shongole oo sheegay in ragaasi ay ka leexdeen wadadii halganka.
 
“Dhex-dhexaad baan nahay, Bulshadda rayidkaa nahay, korkeenaa lagu dagaalamayaa, aaway Xuquuqul-insaankii QM iyo ereyadaas kuwa ku hadaqa waa mujrimiin war diinta ALLE iyo cadawgiisa miyaa dhex-dhexaad laga noqon karaa?”ayuu si kulul u yiri wadaadka .
 
“Shalay waxaa lay sheegay in GABRE uu dhuusamareeb tagay oo uu dhex-dhexaadinayo kooxaha mushrikiinta ah bal maxaa keenay waxay cadeyneysaa inay askartiisii yihiin “ayuu sii raaciyay Shongole oo dhawr jeer qaar ka mid ah culimada uu ku tilmaamo inay ridoobeen oo ay gaalo yihiin sida uu isagu uu sheegay.
 
“Mushrikiinta markey wax cunayaan wax ka cir-weyn maleh,markey sheekeynayaana wax ka been badan ma leh markay dagaalamayana wax ka fulaysan maleh”ayuu si jees jees ah u yiri Fu’aad oo ka qosliyay wiilashii uu uu la hadlayey.