Paris:-Bayaan ka soo baxay xafiiska wasaaradda arrimaha dibadda France ayaa lagu sheegay in xukuumadda Faraniiska ay taageero buuxdo u fidineyso xukuumadda koonfurta Sudan islamarkaana ay dhameystiri doonto wadahadalada ku aadan dhameystirka iskaashi dhexmara labada dal

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in xukuumadda Faraniiska ay ka taageerayso shacabka koonfurta Sudan dadaalka uu ugu jiro dhisitaanka dowlad dimuqaraadi ah oo damaanad qaada amniga iyo Hurumarka dhammaan daafaha dalka koonfurta Sudan.

Aqoonsiga dowladda France xukuumadda cusub koonfurta Sudan ayaa ku soo beegmaysa maalin kadib Ansixinta golaha amaanka in koonfurta Sudan ay tahay dal xubin ka ah Jimciyada Qaruumaha ka dhexeysa.

Koonfurta sudan ayaa ku dhawaaqday dowlad madax banaan kadib afti la qaaday bishii Janaayo ee la soo dhaafay markaas oo ay shacabka koonfurta Sudan ay u doorteen si aqlabiyad ah in ay ka madaxbanaanaadaan Jumhuuriyadda Sudan inteeda kale.

Dowladaha mareykanka , China, Russia iyo midowga Yurub ayaa u aqoonsaday koonfurta Sudan dal madax banaan.

Dowladda Jarmalka oo haysa madaxtinimada QM ayaa sheegtay in xukuumadda koonfurta Sudan ay balan qaaday in ay ixtiraamayso ahdaafta iyo mabaadi’da xeerarka QM.

Ustaad C/xakiim Maxamed Cumar
SBC International Monitoring