Deegaanada ku yaala Badda Hindiya ee Puntland ayaan laga seexan habeenkii xalay ahaa iyadoo dadkii degenaa ay isaga bexeen , iyagoona abaaray goobaha buuraha ah ee ka og dhow deegaanadaas.

Dadka ayaa muujinayay Feejignaan ka dib digniino bad gariir oo ay sii daayeen qeybaha kala duwan ee warbaahinta iyagoona ka cabsaday in ay ku dhacdo tii dhacday saandii 2007, sunaamigii ay ku baabe’een dad aad u tiro badan saameyna ku yeeshay xeebaha deegaanada badda Hindiya.

Deegaanka Xaafuun waa deegaan ka tirsan deegaanada Puntland waxaanu dhacaa gobolka Karkaar iyadoona ay sheegeen dadka ku dhaqan deegaankaasi in aanay xalayto seexan kuna dhaqaaqeen feejignaan iyagoona kala baxay hantidooda badda dadkii ka ganacsanjiray waxaanay haweenka iyo caruurtooda ay kala baxayaan deegaanka.

Mid ka mid ah hooyooyinka ku dhaqan deegaanka xaafuun ayaa u sheegtay SBC  in markii ay soo bexeen digniinaha ka dhanka ah baddgariirka ay feejignaan iyo cabsi soo foodsaartay dadka deegaankaasi iyadoona intaasi ku dartay in dadkaasi ay ku dhaqaaqeen in ay u cararaan goobaha taagaga ah .

Maamulka Puntland ayaa ka mid ahaa dadkii diray diniinaha baddgariirka iyadoo sheegatay hay’ada u qaabilsan masiibooyinka in cabsida baddgariirka sunaami ay tahay in laga feejignaado taasina ay saameyn buuxda ku yeelatay dadka deegaanadaasi inkastoo markii dambe hoos loo dhigay.

SBC International Qardho