Hogaamiyihii shabakada Al-Qaacida faraceeda Bariga Afrika ee lagu diley magaalada Muqdisho horaantii bishan Fasul Cabdalla Maxamed ayaa la sheegay in uu diyaarinayey weeraro uu ka fuliyo magaalooyinka Kampala & Bujumbura ee caasimada wadamada Ugandha & Burundi.

Sida lagu ogaadey Warbxino dheeraad ah oo oo ka soo baxay document-yadii laga helay baabuurkiilagu dhex diley Fasul Cabdalla, sida uu shaaca ka qaaday Col. Paul Lokech oo ah taliyaha guud ee hawlgalka ciidamada Ugandh oo socdaal uu ku tagey magaalada Muqdisho uu ku soo arkay waraaqo cadeynaya qorshaha weerarka uu damacsanaa Fasul Cabdalla.

“Sida lagu arkay documentiyada la helay, wuxuu isku diyaarinayey weeraro Kampala & Bujumbura laakiin uma ahaan laheyn mid sahlan argagixisada” ayuu yiri Col. Lokech

Col. Lokech wuxuu sheegay in xiligii la dilayey Fasul Cabdalla uu safar ugu socdey degmada C/casiis ee waqooyiga Muqdisho, halkaasi oo uu sida uu sheegay Col. Lokech dagaalyahanada ajanabigu ay ka sameysteen xarun cusub ka dib markii ciidamada AMISOM ka qabsadeen xoogagaasi xaruntoodii ay ku lahaayeen dhismaha wasaaridii hore ee Gaashaandhiga.

Dhinaca kale taliyaha ciidamada Ugandha ee hawlgalka ka wada degmada Hawlwadaag ayaa isaguna ka hadley duqeynta AMISOM ay ku hayso suuqa Bakaaraha waxaana uu yiri “Ma doonayno inaan duqeyno suuqa waayo waynu ognahay qiimaha suuqaasi uu u leeyahay dadka Soomaaliyeed, laakiin waxaan doonaynaa inaan soo koobno doorka kooxaha argagixisada, taasi oo ah inay ogaadaan inaanu jirin wax u laaban inay dalka isaga baxaan mooyee” Lt. Col. Anthony Mbusi Lukwago.

Keyse Caamir
SBC News Desk