faysal_waraabeIyadoo saacado ka hor magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool lagu qabtey wiil uu dhaley siyaasiga ka soo jeeda deegaanada Somaliland ee lagu magacaabo Fayasal Cali Waraabe & waliba gabar la socotey ayaa waxaa soo baxaya faahfaahin dheeraad ah oo la xiriirta tuhunka ku aadan qabashada wiilka iyo gabadha, kuwaasi oo looga shaki qabey inay ku socdeen sidii ay ugu biiri lahaayeen dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab, sida ay muujiyeen saraakiil ka tirsan laamaha sirdoonka Somaliland.

Wiilka Faysal dhaley oo lagu magacaabo Xuseen iyo gabadha ayaa laga dajiyey iyagoo saaran baabuur ku jihaysnaa dhanka Puntland, iyadoo loo gudbiyey magaalada Hargeysa, waxaana jira warar sheegaya in gabadhu ay sidatey baasaboor Finish (dalka Finland), hase yeeshee ay ka soo jeedo deegaanka Wajeer ee dhulka Soomaaliya ee Kenya maamusho.

Faysal Cali Waraabe oo saxaafadu la xiriirtey ayaa la waydiiyey wararka sheegaya in la qabtey wiil uu dhaley iyo gabar la socotey, waxaana uu xaqiijiyey arinkaasi isagoo xusey in isaga iyo madaxda maamulka Somaliland ay la socdeen qabashada wiilka iyo gabadha ayna ka wada shaqeynayeen.

“Waa sax wiilka anigaa dhaley, waxaa la socotey gabar reer Wajer ah wasiirka arimaha gudaha iyo taliyaha ciidamada Booliiska waan la wada soconay qabashadooda waayo maan ogeyn meel ay u socdeen hadana waxaa la wadaa baaritaan” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Faysal Cali Waraabe wuxuu kaloo muujiyey in uu jiro tuhun uu qabo oo ku aadan in wiilkiisa iyo gabadha ay dhaleen ay ku biirayaan wax uu ugu yeeray kooxaha xagjirinta sida hadalka uu u yiri.

“Waxaan ogaanay inay qorsheynayaan inay baxsadaan, waxaan ka qaadney maalmo ka hor baasabooradooda, Hotelkii ay deganayeen ayey ka baxeen xili habeen barkii ah, waxaana ka dib naloo sheegay inay Burco gaari ka raaceen oo dhanka Laascaabood u socdeen, sidaasi ayaana lagu qabtey, waxaan filayaa in ay heleen kooxaha xagjirka oo ay madaxa ka badaleen, waayo hada ka hor waxaan ka celinay iyagoo aadi raba dalka Yemen” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Faysal Cali Waraabe oo ah Gudoomiyaha ururka Muc aaradka ah ee UCID ee Somaliland.

Faysal Cali Waraabe iyo qoyskiisu waxay haystaan dhalashada wadanka Finland, waxaana in mudo ah ay ku nolaayeen dalkaasi oo tageen xiliyadii ay Soomaaliya ka qarxeen dagaaladii sokeeye.

Ma jiraan ilo madaxbanaan oo xaqiijninaya wiilka iyo gabadha waxa ka dhaxeeyey ama halka ay u socdeen inkastoo tuhunka uu yahay midka kaliya ee la heli karo.

SBC News Desk