Waxaa maanta magaalada Garoowe soo gaarey wafdigii uu hogaaminayey Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole & wafdi kale oo la socdey oo horkacayey wasiiru dawlaha arimaha dibada ee dalka Talyaaniga Alfredo Mantica iyo Xubno ka tirsan Xafiiskiisa.

Wafuudan ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe, halkaasi oo ay ku sugnaayeen xubnaha golayaasha xukuumada, Baarlamanka, urruada bulshada, ardeyda dugsiyada iyo dadweyne kale oo fara badan.

Soo dhaweyntan ayaa sidoo kale waxaa ka qayb qaatey cutubyo ka tirsan ciidamada daraawiisha Puntland & kuwa bambeyda, iyadoo wafdiga Talyaaniga oo ay wehliyaan madaxweynaha & wafdigiisa loo galbiyey xarunta madaxtooyada, halkaasi oo ay ku leeyihiin kulan albaabadu u xiran yihiin..

Wali lama sheegin socdaalka wafdigaan Talyaaniga ah  iyadoo ay tahay markii ugu horaysay oo wafdi caynkan ah oo ka socda dalka Talyaaniga ay soo gaaray Puntland, inkastoo Xubno ka tirsan  Madaxtooyada ay sheegen in booqashada wafdigani  ay qayb  ka yahay ka jawaabida boqoashadii Madaxwaynaha Puntland uu ku tagey Dalka Talyaniga

 Waxaana intaasi ay ku dareen in ay booqan doonan wasarada ay ka mid yihiin  Haweenka iyo Caafimaadka xubnahani waxaa sidoo kale ay qayb ka yihiin  socdaaloodu indho indhay sidii mashaaric hormarineed looga hirgalin lahaa Puntland iyo waliba hawlaha dhanka bini’aadamtinimada.

DAAWO SAWIRADA
 

Cabdinaasir Yaasin
SBC Garoowe