Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr C/raxmaan Faroole ayaa ka hadlay markii ugu horeysay Maamulka lagaga dhawaaqay Degmada Taleex ee gobolkaasi Sool kaasi oo loogu magacdaray Khaatumo State.

Waxa uu ku tilmaamay in maamulkaasi uu yahay mid aan matalin dadka ay sheeganayaan, isagoona taasi ku macneeyay in ay deegaanka isaga carareen iminkana ku suganyihiin Dalka Itoobiya, waxaanu ugu baaqay dowlada Itoobiya in dadkaasi aysan matalin dadka deegaanka aysana aheyn maamul jira .

“Kuwa iyagu meel aan waxba ka jirin xukun ka raadinaya, Ama hadba dhinac u soconaya raadinayana in dhiigdad galaan, Maalintii Buuhoodle la soo galayna ku sugnaa ka dibna u cararay dalka Itoobiya, waxaan ku sheegayaa In Sida ay wax ku raadinayaan aysan waxba ku heleynin” ayaa ka mid ahaa hadalka madaxweyne Farooole .

Waxa uu intaasi raaciyay madaxweynuhu in Dadka sheeganaya Maamulkaasi ay Qaarkood ka mid yihin dad ku soo fashilmay siyaasada Soomaaliya.

  Waxaa kale oo uu sheegay in madaxweyne C/raxmaan Faroole in Magaalada Laasacaanood heesashadeeda ay ka mid tahay waxyaabaha ay ku soo gabanayaan dadka maamulkaa sheeganaya, uuna ugu baaqayo in Soomaaliland ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxdo.

Hadalka Madaxweynaha Dowlada Puntland waxa uu ku soo aadayaa xili saaka hirtii waaberi ay dagaalo xoogani ka bilowdeen Deegaanka lagu magacaabo Sooljoogto kaasi oo u dhexeeya Ciidamada Soomaaliland ee halkaasi ku sugnaa tan iyo horaantii sanadkan  iyo Dadka deegaankaasi.

Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe