Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka haldey colaada ka aloosan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ee dhimashada & dhaawaca badan dhalisey.

C/raxmaan Faroole ayaa meesha ka saarey in dagaalada Gaalkacyo ay yihiin kuwa qabiil waxaana uu sheegay in dagaalkaasi uu yahay mid ka dhan kooxo “argagixiso ah” sida madaxweynuhu hadalka u yiri.

“Dagaalka ka bilowdey magaalada Gaalkacyo ee ka bilowdey labadii maalmood ee la soo dhaagay, ma ahan dagaal qabiil mana ahaan doono, wuxuu ahaa dagaal lagaga soo horjeedo argagixisada, oo meelaha qaarkood oo magaalada ka mid ah saldhig ka dhigatey, dad badan oo biri ma geydo ahna ku leysay oo ilaa boqol gaaraya afartii sano ee la dhaafay oo ay eey ka mid yihiin ama u badan yihiin dad aan Puntland u dhalan, saldhigyada meelaha ay ka dhigteena goobaha la tilmaamay ee hada qabiilka loo rogay aanu hal qabiil dageyn oo ay ka mid tahay wadada Xamar aada dhinaceeda Galbeed, meeshaasi oo ay isku urursadaan dad Koonfur ka yimaada, dad Al-Shabaab ah oo argagixisada u shaqeeya oo reer Puntland ah oo qolo waliba leh degan yihiin weeye, lagana soo taakuuleyo Galmudug laftigiisa oo mar kasta dadka dilalka geysta ay badanaa u cararaan”.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale hadalkiisa wuxuu weerar afka ah ku qaadey madaxweynaha maamulka Galmudug oo isagu dhawaan saxaafada ka sheegay in dagaalka Gaalkacyo uu yahay mid qabiil isla markaana aanay jirin wax argagixiso ah oo dagaalka ku lug leh, waxaana Faroole oo u muuqdey in uu aad uga careysan yahay hadalada Caalin uu yiri.

“Hadana Galmudug waxay ka qayb qaateen dagaalkii labadii maalmood ugu dambeeyey ka dhacay magaalada gaar ahaan kii maalintii ugu dambeysay ninka halkaasi yiraahda madax baan ka ahay oo shaley hadalada hantaataqa ah ku hadlaayey oo doqoniinada ah masuul buu ka yahay qaybta dagaalka waa uu host-gareeya (soo dhaweeyaa), wuu soo taakuuleyaa, rasaastuu bixinahayey, waxa uu ku hadla hayeyna wax jira ma ahan, waxaana rejeynaynaa beelaha qabiilka lagu huwinayo oo arintan sheegayana inay ka waantoobaan oo dadka laga duufsadey oo loo sheegay in beeshooda lala dirarayo ay culuma’udiinkooda & odayaashu ay ka saaraan, anagu qabaa’ilkayaga lama dagaalano, ee waan kala celinaa, xoogayagii oo dhan baa galey qarashkii dawladaa ku baxay, ciidamadii oo dhan baa ku dhexjira, heshiiskii ayaantii dhaweyd odayaasha & waxgaradka ee beesha Mudug halkan ku yimaadeen waxay aheyd in dawlada la shaqeeyaan, amaanka sugidiisa ka qayb qaataan, qofkii dambiile ah aanay daaficin ee ay dhinac uga leexdaan, maalintii dhaweyd oo Khamiista markii la soo qabanahayey nimanka dambiilayaasha ah ee falalka dilalka ah geysta ayaa goobtii ay ku sugnaayeen ciidamada dagaal qabsadey saasu dagaalku ku bilowdey, hadana xabad joojin baan sameynay inkastoo sarkaal la dilay intii aan xabad joojinta sameynay saan waqti u siino dadaalka odayaashu ugu jiraan in beesha ay sheegayaan in Shabaabku ay ku dhuuntaan ay iska beri yeelaan oo ay kala baxaan wixii dhalinyaro ah oo laga duufsadey wixii kale oo hada Al-Shabaab ah ama taageera Al-Shabaabka waxay kala mid yihiin dadka kale ee reer Puntland”.

Dhinaca kale Madaxweynuhu wuxuu amaan u soo jeediyey beesha Sanaag isagoo ku tilmaamay inay haatan si buuxda ula shaqeynayaan dawlada waxaana uu yiri.

“Waxaan halkan amaan & boogaadin uga soo jeedinayaa beesha buuraha Golis oo Galgala meeshii la oran jiray ay ka mid yihiin oo hada dawlada la shaqeynaya oo wixii hada socda tan teedii kale ee lagu dagaal galin jirey ka waantoobay oo qaraxyada lala yimid Dhahar soo kashifay, dagaalna lagu qaaday iyaga dad badanna laga laayey, hadana iyagoo safa balaaran dawlada kula jira si meeshaasi waxa ku dhuumaaleysanaya oo doolka u yimid looga sifeyn lahaa & hal halka garmaqaataha ah oo dhiig yacabka ah oo aan garanayo ee halkaasi ku jira oo dhawrka qof  ah  iyagana looga tatkhluuso oo beesha lafteedu hawl uga qabato”.

Faroole ayaa sheegay in ay dadka ka rejeynayaan inay nabadda ka shaqeeyaan, waxaana sidoo kale uu tacsi u diray dadkii si xaqdarada ahaa ugu dhintey dagaaladaasi, waxaana uu sheegay inay uga tacsiyeynayaan qoysaskooda iyagana ILAAH ka waraabiyo janadiisa.

Link Audio hoose ka dhageyso hadalk madaxweynaha Puntland.

Halkan ka dhageyso


Deeqo Nuur Faarax (Billan)
SBC International Gaalkacyo