Raisulwasaarihii Hore ee soomaliya Dr. Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa Ka Hadlay marxaladda Uu Marayo Dalka somaliya Iyo Hormarka ay samenayso Dowladda Hadda Jidha.

Farmaajo Ayaa tilmamay in Dowlada Soomaliya ay ku fashilmatay wax ka qabashada dhanka Amaanka iyo hanashada meelaha ka maqan gacanta dowlada Fedraalka Ah.

isagoona wareysi  siinayay idaacada BBC-da Laanteeda afka soomaliga Ayuu Farmaajo U sheegay in madaxweynaha soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud uu horey u sheegay in amaanka wax badan uu ka qaban doono markii la dooranaayay uu xiligaan arimahaas Oo dhanna uusan waxba ka qabanin

Dhanka kale Raisulwasaarihii hore ee soomaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka hadlay  arimaha maamul u sameynya gobolada dalka isagoona ku dhaliilay dowlada soomaliya Qaabka Ay uwajahday Dhismaha Maamulka Gobolada dhexe iyo Arinta Muranka badan dhalisay ee Baarlamanka Jubbaland.

Wuxuu Sheegay in go’aankii Baarlamanka soomaliya uu ku kala direy Baarlamanka maamulka Jubba Uu Ahaa Mid Usabab Ah, Wado Khaldan Oo markii Hore loo maray Dhismihiisa,

Wuxuu sheegay in ladhiso baarlaman iney ka horeyso dib uheshisiin loo sameeyo dadka wax Dhisanaya,

Hadalka Raisulwasaarihii Hore ee soomaliya Mr. Farmaajo ayaa imaanaya xili dalka La Rajeynayo iney ka dhacdo doorashada sanadka 2016 lana aaminsan yahay in uu kamid yahay musharixiinta u taagan Jagada Madaxtinimo ee Somaliya.

SBC, News.