Maxamed Cabdullahi Farmaajo, daxweynaha Dolwadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya ku qaabilay Guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika Muusa Faki Maxamed oo maanta booqasho ku Tagay Muqdisho.

Muusa Faki,ayaa waxaa uu Madaxqweynaha Soomaaliya uga hambalyeeyay doorashada Soomaaliya ee ku dhacday sida nabad gelyada leh ee uu isaga ku guuleystay.

Sidoo kale Mr Faki ayaa waxaa uu Tacsi u diray ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee ku dhintay dagaalka Soomaaliy ee ay kual jiraan Al-shabaab .

Waxaa uu kulan la qaatay Saraakiisha AMISOM ee jooga Soomaaliya iyo Saraakiisha dhinaca amniga ee Soomaaliya oo ay ku jiraan Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Amniga Soomaaliya.

Xasan Cali Kheyre Reysulwasaaraha Somaliya ayaa ku soo dhaweeyay Muqdisho Mr Faki oo ka soo jeeda dalka Chad,kaas oo 30kii January lagu doortay xarunta Midowga Afrika ee Adis ababa,waxaana uu booqashadiisii ugu horreysay ku yimid, Magaalada Muqdisho.

Sawirro :

kulan-far-1

kulan-far1-1

kulan-farm3-1

kulan-farm5-1