Ra’isalwasaaraha DFKMG Soomaaliya Maxamed C/laahi  Farmajao ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtey magaalada Muqdisho wuxuu kaga hadley go’aankiisa la xiriira icasilaadiisa & mirihii ka soo baxay heshiiskii Kampala, Banaanbaxyada magaalada Muqdisho, dilkii Fasul Cabdalla oo ahaa hogaamiyihii Al-Qaacidada Bariga Afrika, saxafiyiin & dad banaanbaxayaal ah oo xabsiga loo taxaabay.Banaanbaxyada ka socda & dareenka shacabka

Shirkaasi jaraa’id oo Ra’isalwasaaraha su’aalo kala duwan laga waydiiyey wuxuu ugu horeyn uga mahadceliyey shacabka Soomaaliyeed dibadbaxyada gudaha & dibada sida dareenkooda ay ugu muujiyeen banaanbaxyadii ay oogeen, balse wuxuu xusey in looga baahan yahay inay si nabadgalyo ah ku muujiyaan dareenkooda.

Heshiiskii Kampala

Ra’isalwasaare Farmaajo wuxuu muujiyay inay tahay in la fuliyo heshiis kasta oo la gaaro isagoo xusey in xilka Ra’isalwasaaraha ee uu hayo ay go’aankeeda leeyihiin xildhibaanada Baarlamanka, waxaase uu sheegay in isagu hadii xilka uu hayo looga gudbayo khilaaf uu diyaar u yahay in uu xilkaasi baneeyo, taasi oo aheyd heshiiskii Kampala wixii ka soo baxay, balse wuxuu sheegay inaanu xilka ka tageyn oo uu sii shaqeyn doono ilaa iyo inta Baarlaamanka uu ansixinayo heshiiskii Kampala.

“Xaqiiqdii anigu waxaan eegay dareenka shacabka mas’uuliyad ayaana iga saaran, waayo inagu waxaan ra’iisul wasaare u ahay shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Ra’isalwaasuhu. Riix Playerka hoose si aad u dhageyso shirka Jaraa’id ee Ra’isalwasaaraha . Halkan ka dhageyso shirka jaraa\’id ee Ra\’isalwasaaraha

“Golaha wasiirrada iyo aniga waxaan ballan ku qaadnay inaan dalka iyo dadka u shaqeyno oo aan danaha shaqsiga ah meel iska dhigno, Illaah baa nagu guuleeyay lixdii bilood ee lasoo dhaafay, taasaana keentay inaan qabano wax la taaban karo, waxayna keentay in ummadda Soomaaliyeed ay yiraahdaan xukuumaddan way shaqeyneysaa, meel kasta oo ay Soomaali joogtana kalsooni ayay na siiyeen,” ayuu yiri Farmaajo.

Dilkii Fazul Cabdalla

Ra’isalwasaaraha ayaa sidoo kale  ka hadlay dilkii loo geysatay hogaamiyihii Al-Qaacidada Bariga Afrika ee dhawaan lagu diley magaalada Muqdisho isagoo sheegay in dilka ninkaasi ay magac u soo hooysay Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya taas oo isagoo sheegay  inay marqaati u tahay inay soo jeedaan ciidamaad dowladda.

Banaanbaxyaasha la xir xirey & digniinta joojintooda

Maxamed C/laahi Farmaajo oo ka hadlayey qaar ka mid ah dadkii dibadbaxyada dhigayey & saxafiyiin ay xabsiga u taxaabeen ciidamada DFKMG ayuu wuxuu sheegay in uu ka warhayo arintaasi ayna ku sameyn doonaan baaritaano ku aadan dadkaasi la xirxirey, isagoo sheegay in xukuumada uu hogaamiyo aanay ugu jirin qorshaha in dad la iska xir xiro.

Hadalkan ka soo baxay Ra’isalwasaare Farmaajo ayaa u muuqanaya mid uu dhego raaricinayo dalabka shacabka Soomaaliyeed oo ku aadan in aanu xilka ka degin isla markaana uu sii wato hawshiisa.
Dadka siyaasada faaqida ayaa ku macneyey go’aanka Ra’isalwasaaraha ee ah in baarlamanka uu go’aan ka gaaro meel marinta heshiiskii Kampala inay tahay shax aad u adag oo ay dhigeen xerta Ra’isalwasaaraha, maadama aanay macquul aheyn xiligan in Baarlamanka inta shiro oo Gudoomiye Shariif Xasan shiriyo inay si nabad ah wixii ay doonaan ku gaaraan, taasi oo la leeyahay waxay keeni kartaa in dadweynaha Muqdisho ee careysan ay ku qamaami karaan goobta lagu shiriyo, sidoo kale waxaa aad u adag in Gudoomiyaha Baarlamanka uu xiligan Muqdisho soo gaaro halkaasi oo ay kaga kacsan tahay mowjado mucaarad ah.

Hadaba go’aanka arintan waxaa hada indhaha lagu wada hayaa beesha caalamka oo ah tan tunka ku sida dawlada KMG ah ee Soomaaliya, iyadoo qodob ku jirey qodobadii heshiiskii Kampala uu ahaa in cid kasta oo ka hortimaadaa heshiiskaasi lala tiigsan doono maxkamad caalami ah, marka ma dhamaan shacabka Soomaaliyeed oo dareenkooda muujiyey gudo iyo dibada ayaa la filayaa in maxkamado la soo taago taasi oo ah habeenkii xaley ahaa oo tagey mise Ra’isalwasaaraha & xerta raacsan ayaa jilbaha dhulka loo dhigi doonaa, mise Labada Shariif ayaa iscali doona, waxaynu wada sugnaa waa ciyaartan oo haatan lagu kala nastey min 2 gool oo Al-Shabaabna ay tarbuunka u fadhiyaan cidii u soo baxda wareega ugu dambeeya.

Axmed Aar
SBC Muqdisho