Iyadoo maalinba maalinka kadanbaysa uu si lixaadleh usii kordhayo dhibaatooyinka bal balaaran ee qaadku kuhayo Ummada soomaaliyeed haday noqoto xag caafimaad dhaqaale burburka qoyska iyo horumar la’aanta bulshada ,dhanka kalena dhalinyaradii kaqayb qaadan lahayd dib udhiska iyo horumarinta wadanka uu qaadku hortaaganyahay, ayaa waxaad moodaa inay madaxda soomaaliya arintaas indhaha iska tirayeen mudo aad udheer.

Dhibaatadaas dhiig baxa ummada soomaaliyeed ayaa waxaa lagu tilmaami karaa gumeysi casri ah (modern day slavery) oo soomaalida laga gumeysanayo dhinacyada dhaqaalaha iyo maskaxda iyadoo wadamada qaadka soodhoofsata ay kuhanweyn yihiin guulweyna u arkaan in dhalinyarada Somaaliyeed ay noqdaan Muqayiliin ( Drug Addicts ) ah oo aan waligood sina ulla tartami Karin dhalinyaradooda.

Hadaba iyadoo arintaas lawada ogaa si cadna loogu jeeday oo madaxweynayaasha Puntland iyo soomaalilandba kagaabsadeen Mudo dheer indhahana kaqarsadeen iyagoo kawalwalsan culays uga imaan kara ama xiriirka ay laleeyihiin wadamada Qaadka soo dhoofsada oo xumaankara hadii ay arintaas kahadlaan, ayaa mudo dheer waxaa lasugayey geesi kudhiirada oo kahadla dhiigbaxa dhalinyarada soomaaliyeed iyo weererka cad oo la adeegsanayo qaadka oo wadanka lagu hayo, iyadoo laweerayey waqtidheer Maalka Iyo Maskaxda soomaaliyeed lana waaayey madaxwene JU’ dhaha ,aya hada waxaa soo baxaya ifafaalo suuban iyo hiddidiilo ku abuurantay dadka kadamqada dhibaatada qaadka kadib markii Madaxweyneha Cusub ee JF ee Soomaaliya Mudane Xasan sheikh maxamuud,Mar uu dhaqaalaha ka hadlay madaxweyana ayuu sheegay in wax walba ay ugu muhiimsan yihiin kobcinta dhaqaalaha qoyska Soomaaliyeed, si qofwalba soomaali ah uu helo nolol iyo dakhli joogto oo aysan walwal ku jirin, isagoo sheegay in dhaqaalaha oo la soo celiyo ay ugu jirto muhiimada labaad.

Hadaba Arintaas aadka loogu riyaaqay oo aan looga baran madaxweynayaashii hore ayaa hadiiba waxay kordhisay hiddidiiladii iyo hanweynaantii loo qabay madaxweynaha cusub, waxay kaloo bulshada soomaaliyeed is weydiinaysaa Toloow dhaqaalaha hala kordhiyo oo kor haloo qaado maxumee sideebaa loo kordhinayaa , mar hadii doolarkii wadanka yaalay maalin walba diyaarado lagu rarrayo, inta qaadka Soomaali kucunto 3dii biloodna uu kabadanyahay

Miiisaaniyada sanadka loo gutalagalay in wadanka oo dhan lagu maareeyo , waxaa kaloo muuqata rajo weyn oo looqabo in madaxwenaha cusubi dhibaatada qaadka uusan ka aamusi doonin, Dadka qarna waxay leeyihiin qaadku waa lagama hadlaan kuwii horaa kudhici waayey oo waxaa laga baqayaa in dowladaha dariskaa in laga xanaajiyo , Iyadoo dhanka ka;lena bulshada inteeda badni kutilmaantay madaxweynaha cusub geesi ummada udhashay,si weyna looga soodhaweeyey afarta gees ee aduunka iyadoo si weyna loogu duceeyey . X

afladahii iyo daamaashaakii iyo soodhaweyntii waa dhamaadeen waxaa bilaabatay shaqadii madaxweynaha, shacabka hada waxaa utaagan dhagaha, indhuhuna waxay eegayaan madaxweynaha oo laga filayo in uu talaabooyin cad cad kaqaadi doonodhibaatada Qaadka,

WQ Gudoomiyaha ladagaalanka qaadka
Abukar Awale