Ciidamo si khaas ah u tababaran oo faransiis ah ayaa Bilaabay Howlgal baadigoob oo ay doonayaan inay si xeeladeysan ugu soo badbaadiyaan Haweenay 66 sanno jir ah islamarkaasina ah curyaan taasi oo ay kooxo qafaalato ah ka afduubteen Deegaan xeebeedka wadanka Kenya.Howlgalka Baadigoobka waxaa ka qeybqaadayana Markab dagaal oo faransiiska laga leeyahay kuwaasi oo kaashanaya Shirkado dhinaca Meleriga ah kuwaasi oo horeyba u gaaray Meel aan ka fogeyn Xeebta Magaalada Kismaayo waxana ay u diyaar garobayaan howlgal lagu soo badbaadiyo waayeesha la afduubtay.

Warar horudhac ah oo laga helayo ciidamada faransiiska ayaa ku waramaya in ciidamada Faransiiska ay iminkaba gacanta ku hayaan 8 qof oo soomaali ah oo looga shakisan yahay burcad badeednimo iyo inay qeyb ka yihiin falkan afduub.Ciidamada sida khaaska ah u tababaran ee faransiiska waxaa ay horey ugu guuleysteen uguna fashilmeen howlalo kala duwan oo soo furasho ah kuwaasi oo qaarkood ay ku dhinteen muwaadinin faransiis ah oo ay haysteen burcad badeed soomaali ah.

isku dayga in la soo badbaadiyo haweeyendan faransiiska ayaa waxaa uu noqon karaa mid khatar geliya nolosheeda bacdamaa ay tahay haweeney da’a ah taasi oo ku socoto kuriga dadka curyaaminta ah lagu qaado taasina waxay ka dhigan tahay inay ku waxyeeloobi karto isku day kasta oo lagu doonayo in lagu soo furto.

Faransiiska ayaa sheegay inay Howlgalka soo furashada u diyaariyeen qalab casri ah iyo ciidamo si khaas ah ugu tababaran inay deegaanka beriga iyo cirkaba ka weeraran kuwaasi oo degdeg ugala soo bixi kara meel kasta oo lagu afduubto gudaha soomaaliya.

Kooxda howlgalkan fulineysa ayaa ah kuwo aqoon durugsan leh islamarkaasina awooda inay xadidaan xitaa isticmaalka isgaarsiinta kooxa gangska ah ee afduubka u haysta haweeneyda 66 sanno jirka ah.

Howlgalkan waxaa uu sidoo kale ku soo beegmayaa xilli dowlada kenya ay masuuliyiin u dirtay Dalka soomaaliya si wadahal loola furo burcad badeeda soomaalida ee afduubtay Haweeneydan

Haweeynaydan Faransiiska ah ayaa ku biireysa muwaadin faransiis ah oo gacanta ugu jira xarakada alshabaab ee ka dagaalanta soomaaliya kaasi oo ah sarkaal latalinta amniga kala shaqeyn lahaa DKMG ee Soomaaliya

Dowlada Faransiiska hadii ay ku guuleysan weydo howlgalka waxay ka dhignaan doontaa in haweeneydan ay gacanta kooxaha soomaalida ku sii  jirto tan iyo inta laga bixinayo waxay dalbadaan waxaana taasi sidoo kale ay sii xumeyn doontaa xaalada caafimaad ee Haweeneyda oo dawo ku nool ahayd.
 

Maxamed Deeq Cabdalla
mdeeq@allsbc.com
SBC International  Monitoring