Faraantiga guurka ee faraha gacanta midig ugu jirey hogaamiyihii dalka Liibiya ee la dilay sanadkii hore Col. Mucamar Al-Qadaafi ee laga bililiqaysay ka hor intii aan la dilin ayaa la sheegay in lagu soo bandhigay suuqyada wax kala iibsiga dalka Liibiya kaasi oo lagu kala doonayo aduun lacageed oo gaaraya 2 milyan doolar

Faraantigii laga furtey Col. Qadaafi iyo waliba shaarkii uu sitey xiligii la qabanayey ayaa lagu soo dhigay bar Internet taasi oo ninka sheegtey in uu hayo uu ku doonayo 2 milyan oo doolar.

Nin magaciisa ku soo koobay Ahmed Warfali oo u dhashay dalka Liibiya ayaa soo galiyey bog Internet sawir la aamisan yahay in uu ahaa faraantiga (fargalka/kaatunka) Col. Qadaafi iyo waliba shaar dhiig badani uu ka muuqdo kaasi loo maleynayo kii uu xirnaa Cadaafi xiligii la dilayey, waxaana ninkaasi uu sheegay in laba milyan oo doolar uu ku doonayo labadaasi shay.

Laakiin muran ayaa ka aloosmay dalabka ninkaasi ee ku iibsadey in uu lacag ka sameeyo faraantigii Col. Qadaafi iyadoo lagu doodayo in hantidaasi tahay mid qaran oo dadka reer Liibiya leeyihiin.

Fargalka ama kaatunkii Col. Qadaafi ayaa ahaa mid ka sameysan qalin ama silver, waxaana uu ahaa mid aad u qalai kaasi oo la aamisan yahay in Col. Qadaafi farta labaad faraha gacanta midig uu gashadey sanadkii 1970-kii xiligaasi oo aheyd markii uu guursadey xaaskiisa yar.

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliid.haji@allsbc.com