Warar ay Sbc Helayso ayaa sheegay in ay Nooshahay Fanaanada Qaranka Saado Cali Warsame oo Shilgaari ku gashay inta u dhaxaysa Galkacyo iyo Garoowe ayaa la sheegayaa in aysan dhiman ee ay dhaawac Tahay Xaaladeeda Caafimaadna ay aad u wanaagsan tahay.
Warbaahinta Somalida ayaa inta Badan Qoray warar sheegay in Fanaanada Qarnku ay geeriyootay.
Wasiirada Haweenka iyo arimaha Qoysaka Puntland Caasho Geele Yuusuf ayaa SBC u Xaqiijisay In Xaalada Fanaanada ay aad u wanaagsantahay, marka laga reebo dhaawacyo aan sidaasi u waaweyneyn.
Fanaanada Ayaa maanta Galkacyo Lagu soo Dhaweeyay inta aysan Shilka Galin Kahor.
Daalacatey :1602