Fanaanad Nimco dareen Oo ay Xaaladeedu wanaagsan tahay ka dib weerar loogeystay

Wararka laga helayo magaalada Narobi xarunta dalkaasi Kenya ayaa sheegaya in ay ka soo reyneyso xaalada Fanaanad Nimco dareen oo xalay halkaasi ay ku dhaawaceen kooxo ku hubeysan hubka fud fudud ee gacanta lagu qaato sida alwaaxyo iyo ulo nooca budadka ah.

Fanaanada ayaa iminka ku jirta isbitalka magaalada Nairobi waxaana ay sheegayaan dad ka agdhow in xaaladeeda ay tahay mid hagaagsan aysana qabin mid ay la liidato.

Xalay ayaa mar ay fanaanadu qabaneysay badhig fadneed ka dhacayay goob ka baxsan xaafada Islii ee ay Soomaalidu degto waxaa weeraray kooxo u badan dhalin yaro oo iyagu aan ilaa iyo iminka la aqoon heybtooda .

Waxay u geysteen Fanaanada Handadaaad iyo in ay kula dhaqaaqaan jirdil sida ay soo wariyeen wariye yaasha SBC ee Magaaladaasi Nairobi.

Ilo wareedyo kale oo soo baxaya ayaa iyagu sheegaya in falka lagula kacay Fanaanad Nimco dareen uu u ekaa mid qorsheysnaa maadaama aan la fileyn xiliga uu falku dhacayayna aheyd xili ay ku guda jirtay fanaanada in shacabka ka soo qeyb galay Show-geeda u muujiso waxa ay ugu talagashay.

 SBC International Nairobi

Daalacatey :1147

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print