Fanaanka caanka ah ee Soomaaliyeed Keynaan Cabdi Warsame ayaa si aad ah uga carooday fal uu ku kacay mid ka mid musharaxiinta u tartamaysa jagada madaxweynenimada Mareykanka ee doorashooyinka soo socda, kaasi oo fasax la’aan heesta Waving Flag ee uu qaado Fanaan Keynaan u adeegsadey olalihiisa dhanka doorashada.

Carada iyo qaylo dhaanta ka soo yeertey Fanaan Keynaan ayaa timid ka dib markii musharaxa xisbiga Jamhuuriga Mitt Romney oo khubad ka jeedinayey  gobolka Florida oo uu guul ka gaarey loolanka cida u tartamaysa xisbiga Jamhuuriga goobtii uu khudbada ka jeedinayey laga shiday heesta “Wavin’ Flag” ee Fanaan Keynaan ka qaaday furitaankii ciyaarihii koobka aduunka ee 2010-kii lagu qabtey wadanka South Africa.

Warsaxaadeed uu soo saarey Keynaan Cabdi Warsame ayuu wuxuu ku sheegay in Romney fasax la’aan ugu adeegsadey olalihiisa dhanka doorashada heestiisa, isagoo ku caga jugleeyey in uu arintaasi ka qaadan doono go’aan dhanka sharciga oo uu la tiigsado Romney.

Mr Romney ayaa sheegay in heestaasi ay ku jirtey diiwaanka heesaha ay adeegsanayeen kooxda u qaabilsan olalahiisa, balse dib dambe aan loo isticmaali doonin.

Laakiin arinta la yaabka leh ee uu ku dhaqaaqay Fanaan Keynaan ayaa aheyd isagoo ku sheegay warsaxaafadeedkiisa in heestaasi uu fasax u haysto Madaxweyne Barack Obama in uu adeegsado loolankiisa dhanka doorashada oo aanu uga baahnyn in uu fasax soo waydiisto.

Maxamed-Qadar Isxaaq
SBC International London