Mid ka mid ah fanaaniinta dhanka heesaha ee ugu caansan dunida gaar ahaan wadamada Carabta Fadl Abdulrahman Shamandar oo loo yaqaan Fadl Shaker ayaa daboolka ka qaaday in uu go’aansadey in uu joojiyo heesaha isla markaana uu ka tawbad keeno isagoo taasi badalkeeda ka shaqeyn doona faafinta Diinta Islaamka.

Fadl Shaker oo ah Fanaan u dhashay dalka Lubanaan hase yeeshee asalkiisu ka soo jeedo Falastiin ayaa sheegay xili uu wareysi gaar ah siinayey Telefishinka AL-RAXMA ee dalka Masar in aad ugu faraxsan yahay in uu soo afjaro waayihiisa fanka, isagoo xusey in uu diinta Islaamka faafinteeda dunida uu ka shaqeyn doonoi.

Hadalka fanaan Fadl Shaker ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyey malaayiin qof oo dunida ku dhaqan kuwaasi oo sheegay in ay ku faraxsan yihiin go’aanka Fadl Shaker iyagoo u rajeeyey mustaqbal wacan.

Fadl ayaa album-kii ugu horeeyey ee dhanka heesaha wuxuu soo saarey sanadkii 1998-kii kaasi oo lagu magacaabi jirey Wallah Zaman, waxaana ka mid ahaa heesaha Album-kaasi “Meta Habeby Meta”, “Nazra Wah” & kuwa kale iyadoo qaar ka mid ah heesahaasi ay alifeen xidigo caan ah oo ay ka mid yihiin Salah El Sharnoby & Ahmed Sheta.

Fanaan Fadl ayaa mar uu wareysi siiyey Telefishinka Al-Carabiya wuxuu ku muujiyey sida uu u jeclaan lahaa in uu qaato dhalashada Falastiin, isagoo sheegay in uu ku soo koray xeryaha qaxootiga Falastiiniyiinta ee Lubnaan isla markaana uu isagoo yar heeso uu ku qaadi jirey jidadka iyo guryaha dushooda.

Fad oo qaba xaas Falastiin u dhalatey ayaa ka codsadey madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas in uu siiyo dhalashada Falastiin, iyadoo maalin ka dib wareysiga uu siiyey Al-Carabiya la siiyey baasaboorka ama dhalashada Falastiin.

Halkan ka eeg mid ka mid ah heesihii uu ku caanka ahaa Fadl Shaker link-ga video -ga hoose ka daawo.HALKAN RIIX

Maxamed-Qadar Isxaaq
SBC International London