Fanaanka Axmed Cabdikariim Maxamed (Biif) ayaa galabta goor dambe wuxu dib u helay xoriyadiisa ka dib markii maanta ay xabsiga dhigeen ciidamo ka tirsan Booliiska Somaliland ee magaalada Hargeysa.

Siideynta Axmed Biif ayaa la soo sheegayaa inay ka dambeysay ka dib markii uu amray taliska sare ee Booliiska Somaliland, waxaana saraakiil ka tirsan ciidamada Booliisku ay sheegeen in ay ka xun yihiin xarigaasi isla markaana ay raali galin ka siinayaan fanaanka da’da yar Axmed Biif xariga loogu geystey magaalada Hargeysa, sida ay SBC u sheegeen ilo wareed oo lagu kalsoon yahay oo ka gaabsadey in magacooda saxaafada laga sheego.

Fanaan Axmed Biif ayaa caawa ka tumaya magaalada Hargeysa bandhigeed si weyn looga soo qayb galey waxaana uu ka socda Hotel Panorama oo ku yaal magaalada Hargeysa, waxaana bandhig faneedkan si weyn uga soo qayb galey dadweynaha magaalada Hargeysa.

Halkan ka akhri warbixin SBC ka qortey xarigii Axmed Biif

Warar dheeraad ah oo ku saabsan bandhig faneedkaasi & sawiro kala soco SBC.