32 kooxood oo kulamo adag oo kooxeysi (Groups), wareega 16, 8-da & Semi-final-ka la isku soo xiiqay ayna ku hareen 30 kooxood ayaa ugu dambeyntii final-ka waxaa habeen dambe 9:45 daqiiqo ee fiidnimo waqtiga Geeska Afrika fooda isku dari labada kooxood ee Bayern Munich oo gurigeeda Allianz Arena ee magaalada Munich sanadkan final-ka lagu qabanayo ku marti galinaysa kooxda Chelsea ee Galbeedka magaalada London ka dhisan.

Bayern Munich waa markii sadexaad ee taariikhdeeda ay timaado final-ka Champions League-ga tan iyo markii magacan uu qaatey ee laga badalay European Cup sanadkii 1992 koobkaasi hore oo ay qaaday sadex sano oo xiriir ah 1974, 1975 & 1975, waxaase koobkan cusub oo ay aqaadey hal mar ay ka qaadey kooxda Valencia ee dalka Spain oo 23-kii May 2001 ay koobka kaga qaaday garoonka San Siro ee kooxaha AC Milan iyo Inter Milan ee dalka Talyaaniga.
Bayern waxay markii ugu horeysay Champions Leageu-ga timid finalka sanadkii 2009-kii xiligaasi oo kooxda Inter ay ka qaaday koobka, haatana waaa markii labaad ee Final-ka ay timaado iyadoo gurigeeda ku ciyaaraysa.
Chelsea oo waa markii labaad ee ay timaado final-ka Champions League-ga, sanadkii 2008-dii waxaa rigoorayaal koobkaasi kaga qaaday kooxda Manchester United kulan la isku riiqmay oo ka dhacay Luzhniki Stadium ee magaalada Mosco 21-kii May 2008-dii, markeeda labaad waa kulankan Sabtida ay la yeelanayso Bayern Munich.
Bayern Munich & Chelsea taariikhda laba goor ayay kulmeen Champions League-ga waana koobkii sanadkii 2004/2005, waxaana Chelsea labadaasi lugood ku badisay 6-5 gool la isku geeyey (aggregate) ay ku badisey kooxda Chelsea. Lixda ka mid ah 11 gool ee la dhaliyey labadaasi kulan shan ciyaartood oo haatan safan kulankan filanka ayaa dhaliyey kuwaasi oo kala ah Drogba, Lampard, & Schweinsteiger.
Ciyaaryahan Frank Lampard-ka Chelsea Bayern Munich waa kooxda sadexaad oo uu min sadex gool shaqabooqda surey kulamada Champions League-ga, labada kooxood ee kale waa Liverpool & Barcelona.
Chelsea 15 kulan oo ay ka mid ahaayeen kulamada koobkii lagu magacaabi jirey Fairs cup ayay la ciyaartey kooxo ka socda Jarmalka waxaana ay ka badisey 8 jeer, 3 mar barbardhac, afar marna waa laga badiyey.
Chelsea kooxo ka socda dalka Jarmalka kulamada Champion League 12 kulan ayay la ciyaartey waxaana ay badisey 6 jeer, afar waa laga badiyey laba marna way isku ag dhaceen.
Bayern Munuch 38 kulan ayay la ciyaartey kooxo ka socda England kulamadaasi waxaa qayb ka ahaa kulamada koobkii fairs, 38-daasi kulan 14 Bayern ayaa guulaysatey, 11 waa laga badiyey 13 jeerna dhibcaha ayay la qaybsatey.
Bayern Munich kooxo ka socda Ingiriiska 17 kulan ay la ciyaartey koobka Champions League-ga la casriyeey 7 ka mid ah way ka guuleysatey, shan jeer waa laga badiyey halka shanta kalena ay barbar dhac la gashay.
Bayern Munich 31 kulan ee ugu dambeeyey Champions League-ga hal kulan oo kaliya ayey barbar dhac gashay kaasi oo ay kooxaysiga (Group-yda) ay 1-1 la gashay kooxda Napoli ee dalka Talyaaniga ka dhisan.
Chelsea afar ka mid ah shantii kulan ee ugu dambeysay ee Champions League-ga afar ka mid ah way badisey, waxayan kulanka shanaad oo ahaa lugtii labaad ee wareega Semi final-ka 2-2 la gashay kooxda Barcelona.
Chelsea 13-kii kulan ee ugu dambeeyey Champions League mid kasta gool ayay dhalisay, iyadoo guud ahaan dhalisay 25 gool.
Bayern Munich 8-dii kulan ee final-da ugu dambeeyey Champion League-ga & European Cup-kii hore afar way guuleystey afarna dhulka ayaa lagu jiiday, Sadex ka mid ah kulamadaasi final waxaa ku lug lahaa kooox ka socda Ingiriiska hal mid ayay ku guuleystey oo ah kooxda Aston Villa sanadkii 1974/75, labada kalena waa laga badiyey kuwaasi oo ay la yeelatey Aston Villa 1981/82, & Manchester United 1998/99.
Koox ka socota Ingiriiska waxay ku guuleystey hal mar 8-dii Final ee ugu dambeeyey koobabka Yurub, (Manchester United ayaan ah kooxda qaaday Champions League 2007/2008.

Koox Ingiriis ah oo qaaday koobka FA Cup oo hadana ku guulaysata Champions League-ga hal koox ayaa sameysay taasi oo ah Manchester United oo qaaday labadaasi koob 1998/99.
Jub Heynckes oo tababare ahaa 32 sano sadex final ayey timid koox uu wato oo uu ka mid yahay final-ka hada, kii ugu horeeyey isagoo wata kooxda Borussia Mönchengladbach ayaa laga qaadya koobka Champions League-ga sanadkii 1980-kii, halka uu koobkaasi la qaaday kooxda Real Madrid sanakdii 1998.
Kulankan sabtida ka dhacay guriga kooxda Bayern Munich waa kii afaraad oo koox final-ka joogta gurigeeda ku ciyaarto koobkan European Cup/Champions League markii ugu horeysay waxay aheyd Real Madrid oo gurigeeda Bernabeu kaga guulaysatey Kooxda Fiorentina ee dalka Talyaaniga 2-0 sanadkii 1956/57.
Sidoo kale Inter Milan ayaa gurigeeda San Siro koobkaasi ku qaaday sanadkii 1964/65 ka dib markii 1-0 ay kaga badisay kooxda Benfica ee dalka Portugal.

Laakiin kooxda Roma ayaa garoonkeeda Olimpico sanadkii 1983/84 waxaa koobkaasi rigoorayaal uga qaaday kooxda Liverpool.
Kulankan waxaa safan oo hal ciyaaryahan oo labadan kooxood oo u soo wada ciyaaray kaasi oo Arjen Robben oo sadex sano Chelsea ka tirsanaa wuxuu saftey 67 kulan wuxuuna dhaliyey 15 kulan, laakiin Bayern Munich oo uu la joogo ilaa iyo 2009-kii 62 kulan oo uu saftey 40 gool ayuu u dhaliyey.
Garsooha ciyaartan waa “Nin Jecel bixinta kaararka cas & hurdig”
Garsoore Pedro Proenca oo 41 sano jir ah una dhashay wadanka Portugal ayaa kulankan UEFA u xilsaartey in uu dhexdhexaadiyo laakiin Referee-gan waxaa lagu naaneysaa “Garsooraha ku faraxsan bixinta kaararka”.
Pedro 29 kulan oo uu sanadkan dhexdhexaadiyey 169 kaarka hurdiga (Yellow Card) & 13 kaarka cas (red Card) ayuu bixiyey waxaana ka mid ah 13-kan kaaroa cas afar uu si toos ah ugu taagay ciyaartoy, Sidoo kale wuxuu dhigay 8 gool ku laad (Rigoore)
Dhaawacyada & ganaaxyada haysta labada kooxood.
John Terry, Branislav Ivanovic, Ramires & Raul Meireles dhamaantood waxay qabaan ganaaxyo kulankan aanay safan karin, laakiin Chelsea waxaa madax wareer kale ku sii ridey dhaawac la soo darsadey Florent Malouda.
Bayern Mucnich waxaa ganaaxyo kulankan uga maqan Luiz Gustavo, David Alaba & Holger Badstuber
Shaxda la filay labada kooxood inay la soo shirtagaan
Bayern Munich: waxaa la filayaa inay ku ciyaarto shaxda 4-2-3-1 waxaana loo badinayaa inay soo safto; Neuer; Rafinha, Tymoshchuk, Boateng, Lahm; Kroos, Schweinsteiger; Robben, Ribery, Muller; Gomez
Chelsea: waxaa la filayaa inay ku ciyaarto shax la mid ah 4-2-3-1 iyadoo la filayo inay safto Cech; Bosingwa, Cahill, Luiz, Cole; Mikel, Lampard; Kalou, Mata, Torres; Drogba
Mowliid Xaaji Cabdi
mowliid.haji@allsbc.com